Nairobi: Booliska oo weeraray Jaamacad, Khasaaraha ka dhashay iyo Ujeeddada laga lahaa

Nairobi(Aftahannews):- Hal Qof oo ka mid ahaa Hawl-wadeennada Jaamacadda Strathmore ee dalka Kenya, ayaa geeriyooday, in ka badan labaatan kale oo Ardayda Jaamacaddaas ka tirsainna way dhaawacmeen, ka dib markii Booliska dalkaasi ay hawlgal Tijaabo aha aka sameeyeen gelinkii dambe ii Isniinta Jaamacada Strathmore ee ku taalla Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya.

JAAMACADDA KENYA EE BOOLISKU WEERARAY
JAAMACADDA KENYA EE BOOLISKU WEERARAY

Howlgalka oo ahaa mid qarsoodi ah, ayaa lagu sheegay inuu ahaa tijaabo lagu ogaanaayay sida ay Ardaydu oga jawaab celin lahaayeen haddii Jaamacaddaas uu ka dhaco weerar argaggixiso, waxaanay Ciidanka Booliska Kenya hawl-galkaas fuliyeen xilli qofna aan loo sii sheegin waxa dhici doona iyo ujeeddada hawlgalka toona.

Japheth Koome oo ah Taliyaha Ciidammada Booliska ee gobolka Nairobi, ayaa hawl-galkaas ku sheegay inuu ahaa mid sharciga waafaqsan oo lagu eegayay feejignaanta Ardayda tirada badan ee Jaamacadaas wax ka barata.

Warbixinta Warkaas oo dhammaystiran oo Luuqadda Ingiriisida ku baxaysa waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.