Faysal Cali Waraabe oo jawaab adag ka bixiyey Naqdi iyo Hanjabaad Xukuumaddu u jeedisay

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka jawaabay hadal uu Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ku naqdiyey hanjabaad uu Isniintii u jeediyey Xukuumadda isaga oo daba-socday go’aanka ay Xukuumaddu ku sheegtay inaanay Xisbiyada Mucaaridka ahi ku wehelin doonin shirka wadahadalka Soomaaliya lala galayo toddobaadka soo socda.

Maxaa kala qabsaday Faysal Cali Waraabe iyo Tarsan

CALI WARANCADDE AA

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa shalay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Xafiiskiisa magaalada Hargeysa, waxa uu ku sheegay inaanay waxba ka jirin ee uu cawaaqib-xumo ku mutaysan doono hanjabaadda uu Faysal Cali Waraabe jeediyey ee ahayd hadday Xukuumaddu ka qaybgelin weydo Mucaaridka inay Xisbiyo Mucaarid ahaan wadahadal gaar ah si toos ah ula furi doonaan Soomaaliya.

Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo maanta warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inaanu ahayn qof bilaa mabda’a ah, yahayna Muwaaddin aan looga baqayn inuu Somaliland waxyeelo, isaga oo intaasi ku daray in Cali Waran-cadde u tagi lahaa Madaxwaynaha Soomaaliya, haddii aan Wasiir laga dhigin, tusaalena u soo qaatay saddexda Xisbi Qaran ee uu Cali Waran-cadde isaga gudbay muddada kooban.

“Wasiirka arrimaha guduhu waxa uu igu sheegay bilaa mabda’a, laakiin marka la eego Cali Waran-cadde waxa uu soo maray Xisbigii UDUB, waxa ugu xigay WADDANI, haddana waxa uu ku biiray KULMIYE oo la ogaa siday isku ahaayeen, markii aannu Madasha samaynayna waxa uu ahaa ninkii Albaabka garaacayey ee la lahaa ma soo daynaa iyo ma aammini karno.” Sidaa ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiye Faysal waxa uu intaa ku sii ladhay oo yidhi; “Anigu waxaan hubaa haddii aan Cali Waran-cadde Wasiir laga dhigin maanta inuu u tagi lahaa Xasan Sheekha Saomaaliya.”

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe inaanay UCID ahaan aqbali doonin natiijada ka soo baxda wadahadalka la filayo inuu 15-ka bishan Janaayo ee aynu ku jirno Somaliland iyo Soomaaliya uga furmo magaalada Turkiga ee waddanka Istanbul, kaasoo aanay qayb ka ahayn Xisbiyada Somaliland oo marka laga reebo Xisbiga talada haya ee KULMIYE ay ka maqan yihiin UCID iyo WADDANI.

Ergada Somaliland uga qaybgelaysay oo isugu jira Xubno ka socda Xukuumadda iyo Golayaasha Baarlamaanka Somaliland maanta ka ambabaxeen magaalada Hargeysa, iyaga oo u socdaalay dhinaca magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya oo uu Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo Weftiga hoggaaminayaa sheegay inay muddo dhawr maalmood ah ku geli doonaan tabobbar la xidhiidha qaabka wadadallada.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.