Qarax lagu dilay Guddoomiyihii Lafoole oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho(Aftahannews):- Allaah ha u naxariistee Guddoomiyihii hore ee Deegaanka Lafoole Cabdillaahi Jaamac Siyaad (Jabeey), ayaa ku geeriyooday qarax xooggan oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo lala beegsaday Baabuur uu watay Marxuumku.

biiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiir

Waxaa Caawa Salaaddii Cishe ka dib Isgooska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho ka dhacay qarax xooggan oo la sheegay in qaybo magaalada Muqdisho ka tirsan laga maqlayey, kaasoo la sheegay inuu ahaa Qarax gaadhi loogu soo xidhay Guddoomiyihii hore ee degmada Lafoole Marxuum Jabeey.

Hay’adaha ammaanka iyo Madaxda kale ee dawladda Soomaaliya, ayaan weli ka hadal qaraxan khasaaraha geystay, sidoo kale weli ma jirto cid sheegatay inay ka dambaysay masuuliyadda qaraxaas.

Aftahannnews.com

Muqdisho/Office/Soomaaliya.