Ergada Somaliland uga qaybgalaysa wadahadalka Soomaaliya oo maanta Hargeysa ka ambabaxay

Hargeysa(Aftahannews):- Ergada Somaliland uga qaybgalaysa Wadahadalka u furmaya dawladda Soomaaliya badhtamaha bishan, ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Hargeysa, kuwaasoo intii aanay ka dhoofin garoonka diyaaradaha Hargeysa Warbaahinta uga warramay socdaalkooda.

dddd

Weftigan oo dhowr maalmood ku sugnaan doona magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya, ayaa ka kooban Wasiirrada Xannaanada Xoolaha, Shaqaqada, Arrimaha dibedda, Madaxtooyada, Guddoomiye Ku-xigeennada koowaad ee Golayaasha Wakiillada Iyo Guurtida iyo Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, oo saxaafadda kula hadlay qolka nasashada ee madaarka diyaaradaha Hargeysa, ayaa yidhi; “Halkan waxa maraya guddidii wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu u soconaa Magaalada Addis-ababa oo aanu dhowr cisho joogayno.”

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi; “Halkaas oo aannu isugu sii diyaarinayno wadahallada, kuna qaadanayno tabobbar yar oo xagga wadahadallada ah, si aannu wakhti isugu helo inaannu ka sii wadahadallo waxaannu ku hadli doonno. Markaa, Addis Ababa waxaannu ka bixi doonnaa 14-ka bisha, 15-ka bisha ayay Soomaaliya iyo Turkigu aad noo weydiisteen inaannu xilligaa nimaadno.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.