Somaliland oo hambalyeysay Madaxda Puntland loo doortay, Digniinna u dirtay

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa hambalayey Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka cusub ee maanta loo doortay Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed, isla markaana waxay u jeedisay digniin la xidhiidha inaan wax faro-gelin ah aanay Madaxdaasi ku soo samayn karin Xuduudaha Somaliland iyo Puntland ay wadaagaan oo had iyo jeer muran ka taagan yahay.

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa oo ka mid ahaa Wefti Somaliland uga qaybgalaya wadahadallada Turkiga badhtamaha bishan ku dhex-mari doona Soomaaliya oo maanta Hargeysa ka tagay, ayay su’aal ay Warbaahintu ka weydiisay sida ay u arkaan is beddelka Puntland iyo qodobka ay Musharrixiintu ku ololaynayeen oo ah inay Somaliland haysato dhul Puntland ka tirsan oo ay soo dhicin doonaan haddii la doorto, ayaa sheegay inaanu dhulka Somaliland gorgortan geli karin.

xirsi1

Guddoomiye Baashe M Faarax

Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu sheegay inuu guud ahaan dalka Soomaaliya u rajaynayaan ammaan iyo barwaaqo waxaanu yidhi; “Puntland waa qayb ka mid ah Soomaaliya, waxaana madaxweynaha la doortay u rejeynaynaa badhaadhe iyo bash-bash, Soomaaliya oo dhanna badhaadhe ayaan u rajeynaynaa.”

Wasiir Xirsi waxa uu sheegay inaanay cidna ka oggolaanaynin inay ku gorgortanto dhulka Soohdimaha mucayinka ah ee Somaliland, waxaanu yidhi; “Waxaanan leenahay aan nabad ku wada noolaanno, kamana xumin ciddii guuleysatay hambalyo ayaannu u diraynaa. Cidna ka oggolaan maynno inay ku gor-gortanto dhulka Somaliland ee xuduudihiisuna la yaqaanno.”

“Maalmo dhaweyd waxaan maqlayay in raga u tartamaya doorashada ay ku ololeynayeen inay ku wajahan yihiin deegaamada Somaliland sida degmada Laascaanood, taasna waan ka digayaa.” sidaa ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland.

Geesta kale, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay in Somaliland ay colaad iyo nabadgelyo labadaba taqaanno, waxaanu uga digay maamul goboleedka Puntland inay soo hawaystaan xuduudaha mucayinka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.

“BBC-du aad iyo aad ayay u buun buunisay hadalladii musharrixiinta Madaxtinnimada Puntland, waxaanay mar kasta ku soo darayeen hadalkooda waxaannu ku duulaynaa Somaliland. Somaliland waxay leedahay xuduudo, dawladaha jaarka ahna waxay la wada leedahay xuduudo sida ay Jabuuti iyo Itoobiya xuduudaha ula leedahay ayay Soomaaliyana xuduudo ula leedahay.” sidaa ayuu yidhi Md. Baashe Maxamed Faarax.

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland oo ka soo jeeda deegaannada Bariga Somaliland, gaar ahaan deegaannada Gobolka Sool, waxa uu sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Hargeysa, waxaanu intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Markaa, ninka yidhaahda Somaliland baan ku duulayaa, Somaliland colaad iyo nabad-ba way taqaannaa. Laakiin, ninka yidhaahda Somaliland baan ku duulayaa waa ballan-qaad been ah.”

Baashe Maxamed Faarax oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi; “Puntland waxay u baahan tahay  caafimaad iyo tacliin, Soomaaliyi maanta uma baahna dhiig la daadiyo, Somaliland-na waxay leedahay xuduud iyo ciidan ku filan oo difaaca.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Samaliland.