Tirada Dhalinyaro Ay Al-Shabaab Ka Qafaalatay Hargeysa Oo Lagu Qabtay Garoowe Iyo Qaabka Loo Kaxaystay

“Annaga waxaa xalay (Habeen-hore) goor dambe na soo gaadhay saddex nin oo Waayeel ah oo ka yimi Hargeysa oo watay gaadhi Nooha ah, waxaanay noo sheegeen inay daba socdaan Wiilal ay dhaleen oo…” Waraysi Gaar Ah: Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sool Cor: Cabdiraxmaan Col-haye

Hargeysa/Garoowey (Aftahannews):- Tiro Dhalinyaro ah oo la sheegay in Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta Koonfurta dalka Soomaaliya loo waday oo laga kexaystay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, ayaa la sheegay in lagu lagu qabtay magaalada Garoowe ee xarunta Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

al-shabaab_somalia1

Dhalinyaradan oo la sheegay inay ahaayeen Lix Wiil oo qaab isku mid ah looga kaxaystay Xaafadaha magaalada Hargeysa, kuwaasoo mid ka mid ah qoyskoodu deggan yahay Xaafadda Xiddigta Degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa, ayaa la sheegay in Masaajid ku yaalla Hargeysa oo aan la si cad loo xaqiijin ka uu yahay laga kaxaystay toddobaadkan, isla markaana ay kaxaysteen niman isku sheegay inay Culimo yihiin oo aan si fiican loo aqoonsan, sida ay dad Xaafaddaas deggani u xaqiijiyeen Wargeyska Somalilandtoday xalay.

Sarkaal Sare oo ka tirsan Ciidammada Booliska Somaliland oo codsaday inaan magiciisa la shaacin, ayaa Wargeyska Somalilandtoday xalay u xaqiijiyey in dhalinyaradaas laga kaxaystay magaalada Hargeysa oo lagu qaaday Gaadhi noociisa uu ku sheegay TAYOTA MARK 2, oo dhalinyaradaas siday ay gacanta ku dhigeen Booliska Maamul-goboleedka Puntland ee magaalada Garoowe. Sarkaalkani waxa uu intaa ku daray in dhalinyaradaas loo soo qaadayo dhinaca magaalada Hargeysa ee markii hore laga kaxaystay. Hase-yeeshee, waxa uu ka gaabsaday inuu faahfaahin intaa dheer ka bixiyo dhalinyaradaas iyo qaabka Hargeysa looga kaxaystay.

Taliyaha Ciidammada Booliska Somaliland, Ku-xigeenkiisa iyo Masuuliyiinta Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ee dhinaca Amniga qaabbilsan oo aannu xalay taleefannadooda gacanta ka wacnay dhawr jeer si aannu arrintaa waxay kala socdaan uga waraysanno, ayaanay noo suuragelin inaannu wax war ah ka helno, ka dib markii ay naga qaban waayeen taleefannadooda gacanta.

Mid ka mid ah qoysaska Wiilasha laga kaxaystay, ayaa Wargeyska Somalilandtoday u sheegay in Wiilkoodu uu aad ugu wanaagsana barashada Diinta Islaamka, isla markaana uu Quraanka dhammeeyay dhawaan. Waalidka dhalay Wiilka ka midka ah dhalinyaradaas, ayaa intaa ku daray inaanay garanayn goobta Wiilkooda laga kaxaystay halka ay Hargeysa kaga taallo. Hase-yeeshee, ay daydaygii ama baadi-goobkii ay galeen markii ay waayeen ka dib ku ogaadeen qoysaska kale ee Innamadu ka maqan yihiin, ka dibna ay sidaa Booliska Somaliland ku war-geliyeen.

Ruux labaad oo ka tirsan Ehelada mid ka mid ah Xaafadaha dhalinyaradaas laga kaxaystay ee magaalada Hargeysa, ayaa Wageyska Somalilandtoday u sheegay in Lix Wiil oo dhalinyaro ah oo ay da’doodu u dhaxayso 15 sano illaa 17 sano-jir la waayey oo la raadinayey maalmihii u dambeeyay, kuwaasoo xusay inay daydagoodii shalay lagu qabtay magaalada Garoowe ee xarunta maamul-goboleedka Puntland oo ay gacanta ku dhigeen Ciidammada ammaanka Puntland.

Waxaanu ruuxan oo codsaday inaan magiciisa la shaacin uu sheegay in qaar ka mid ah Aabbayaasha Wiilashaa dhalay u raacdo-tageen dhinaca magaalada Garoowe ee Innamadooda Al-Shabaab loo waday lagu qabtay si ay u soo kaxeeyaan oo ay Isniintii ka tageen Hargeysa.

Haddaba, Waalidiintaas oo aannu isku-daynay inaannu war ka helno ayaanay noo suuragelin ka dib markii aannu Taleefannadooda ku waynay. Hase ahaatee, waxa uu Wargeyska Somalilandtoday xalay khadka taleefanka arrintaa wax kaga weydiiyey Taliyaha Qayta Booliska gobolka Sool Cor:.Cabdiraxmaan Col-haye oo sheegay inay magaalada Laascaanood Habeen-hore u hoyden Odayaal daba socday dhalinyartaas.

“Annaga waxaa xalay (Habeen-hore) goor dambe na soo gaadhay saddex nin oo Waayeel ah oo ka yimi Hargeysa oo watay gaadhi Nooha ah, waxaanay noo sheegeen inay daba socdaan Wiilal ay dhaleen oo ka tahriibayay, xilligaas oo saq-badh ahayd darteed waxaannu seexinnay magaalada Laascaanood, saaka (shalay) subaxnimadii ayay Garoowe u ambabexeen walina nagumay soo noqon.” Sidaa ayuu yidhi Taliyaha Qayta Booliska gobolka Sool Cor: Cabdiraxmaan Col-haye oo aannu wax ka weydiinnay Carruurta la sheegay in Al-Shabaab ka kaxaysatay magaalada Hargeysa waxa uu kala socdo.

Xigasho Wargeyska Somalilandtoday.