Wasiirka Waxbarshada oo Kormeer ku maraysa Galbeedka Somaliland

Boorama(Aftahannews):- Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ay weheliso Gudoomiyaha ururka haweenka Qaranka ee NOW Marwo Aniisa Nuur Cigaal iyo saraakiil kale oo wasaarada waxbarashada ka tirsan ayaa maanta kormeer shaqo ku sameeyay gobolada galbeedka Somaliland.

ZamZam

Wasiir Samsam ayaa ku hakatay Degmada Arabsiyo halkasi oo ay saldhiga booliska ee Arabsiyo ku gudoonsiiyay deeq kumbiyuutaro ah oo hore loogu balan qaaday, waxana ay iyada oo gudoonsiinaysa Kumbiyuutaradaasi tidhi “Kumiyiitaradani waxa ay qayb ka yihiin balanqaadkii uu Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo u sameeyay saraakiisha saldhiga markii uu kormeerka ku marayay gobolka Gabilay, maanta waan idin soo gaarsiinay, waxana an filayaa inay wax badan ka tari doonto shaqada dhinaca amniga ah ee aad umada u haysaan”

Wasiirka ayaa waxa ay sidoo kale soo martay gobolka Gabilay halkaasi oo ay kulan kula yeelatay Gudoonka Waxbarashada ee Gobolka Gabilay, waxana ay kala hadashay sidii loo dardar galin lahaa waxbarashada isla markaana la isaga kaashan lahaa in tayada waxbarashada ee gobolka laga dhigo mid saraysa.

Wasiirka ayaa u soo baqooshay dhinaca gobolka Awdal, waxana kaga hortagay duleedka magaalada Dila Saraakiisha Waxbarashada ee gobolka Awdal iyo Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, waxana wafdiga loo soo galbiyay dhinaca magaalada Boorama.

Markii ay soo gaadheen Boorama ayaa waxa ay wasiiradu sidoo kale soo kormeertay xarunta gudoonka waxbarashada ee gobolka Awdal, waxana ay halkaasi kulan kula yeelatay madaxda gudoonka Waxbarashada, waxana ay halkaasi ku dhagaysatay warbixin ku saabsan waxabarashada gobolka Awdal, waxana ay ku dardaarantay in loo hawl galo sidii waxbarashada gobolka kor loogu qaadi lahaa.

Galinkii dambe ee maanta ayaa waxa ay Wasiir Samsam iyo wafdiga ay hogaaminaysay ka qayb galeen ciyaar Final ah oo dhex maraysay labada kuliyadood ee Freshman-ka iyo Education-ka ee jaamacada Camuud, waxana lagu wadaa inay maalinta bari ah ka amba baxdo gobolka Awdal.

Aftahannews.com

Boorama/Office/Somaliland.