Marxuum Meydkiisa laga helay Hargeysa & Duruufaha ay Qaboobaha waajahayaan Dadka qaba Xanuunnada Dhimirka

Ciidammads Booliska oo baadhaya Geerida Marxuumka Maydkiisa la helay

Hargeysa(Aftahannews):- Allaah ha u naxariistee Muwaaddin ka mid ahaa Shacabka Somaliland, ayaa doraad Maydkiisa laga helay badhtamaha Magaalada Hargeysa, waxaana halkaa ka qaaday Ciidammada Ammaanka.

Marxuumka

Marxuumka oo Laxaad la’aa isla-markaana labadiisa Cagood mid ka go’nayd Jilibka, waxa gelinkii hore ee doraad lagu arkay badhtamaha Magaalada Hargeysa, gaar ahaan dhismayaasha Salaama Bank iyo E-Dahab hortooda.

Marxuumka ayaa Maydkiisa la helay isagoo jiifa oo Madaxana uu barkimo ahaan ugu yaalo Kartoon isku lab-laabnaa.

Marxuumka, ayaa markii la ogaaday inuu dhintay waxa ku soo booqay dadweyne tiro badan oo ka murugooday sida Marxuumkaasi u geeriyooday, iyadoo dadka qaarkood oo daliishanaya diifka ka muuqatay korkiisu ay sheegayeen in wakhtigiisa oo dhamaaday ka sakow duruuf badani haysatay.

Wargeyska Himilo waxa loo sheegay in Boolisku bilaabay baadhitaan la xidhiidha in geerida Marxuumkan.

Dhanka kale, waxa duruufo adag oo nololeed waajahaya xilligan oo la galay wakhtigii qaboobaha dadka aan Maankoodu dhammayn ee qaba Xanuunnada Maskaxda, gaar ahaan kuwa dibad-wareegga ah ee ku nool gidaarada iyo waddooyinka Magaalooyinka Hargeysa ka mid tahay.

Dadkan oo aad u aradan ayaa xilligan qaboobaha lagu arkaa iyaga oo dhaxanta kaga gabbanaya gidaarrada Magaalada Hargeysa maadaama oo aanay u adkaysan karin dhaxanta iyo qabowga daran ee xilligan.

Xigasho Wargeyska Himilo.