Qoraa Faransiis ah oo Sheegay inaanay Muslimiintu Doqmo ahayn ee ay Xaq u leeyihiin la-dagaallanka Gaalada

“Muslimiinta Waxaynu Dagaal ku qaadnay Dhulkooda oo aynu ku Xasuuqnaa, haddana waxaynu doonaynaa inaanay Waxba innoo geysan Doqmo maaha..!”

“Sidee ayey suuragal u tahay in dad dalkooda ku sugan ay xaq u heli waayaan inay noloshooda maareeyaan, waa maxay Mushkiladda maanta na heysata ee Argaggixisnimada ahi….?” Michel Onfray oo ah Siyaasi iyo qoraa u dhashay dalka Faransiiska

Qoraaga reer France ee Michel Onfray

Paris(Aftahannews):- Siyaasiyiinta Reer Galbeedka ah ayaa billaabay inay si kulul u weeraraan siyaasadda dowladahooda ee ku aadan dadka Muslimiinta ah, waxayna sheegeen in fara gelinta dowladaha Yurub iyo Mareykanka ku hayaan Muslimiinta iyo duullaannada ay ku qaadeen dhulkoodu sabab u tahay inay abuurmaan ururro Xagjir Musliim ah oo falal aar-gudasho ah ka geystaan dalalka reer Galbeedka.

Wareysi lala yeeshay Michel Onfray oo ah Siyaasi iyo qoraa u dhashay dalka Faransiiska isla-markaana adduunka caan ka ah, ayaa weeraray siyaasadda dowladdiisa iyo faro-gelinta ay ku samaysay dalalka Afghanistan, Suuriya iyo Maali, wuxuuna tilmaamay inay waxba kama jiraan ay yihiin sheegashada Faransiiska ee ah in dalalkaas ay u fara-geliyaan si ay u ilaaliyaan Xuquuqda Aadamaha.

Michel Onfray oo la weydiiyay sida uu u arko ficillada kooxaha Islaamiyiinta ah ka geystaan dalalka reer Galbeedka sida weerarkii u dambeeyay ee Daacish ku qaaday Paris, ayaa ku jawaabay; “Waxaan u u arkaa wax caadi ah, sidee ayey suuragal u tahay in dad dalkooda ku sugan ay xaq u heli waayaan inay noloshooda maareeyaan, waa maxay Mushkiladda maanta na heysata ee Argaggixisnimada ahi? Muslimiintu doqomo maaha, waxaan ula jeedaa dagaal ayaan ku qaadnay dhulkooda, Maali iyo Afghanistan oo kale waxaan noloshooda ka dhignay waxba kama jiraan, meelahaas Xasuuqyo ayaan ka geysanaa, Tobanaan ama Boqollaal qof ayaanu dilnaa, haddana sidaas oo ay tahay waxaan doonaynaa inay noqdaan dad wanaagsan oo aan wax noo geysan, ma noqonayaan dad aan wanaag ka sugno, xaq ayay taas u leeyihiin. Inta aan ku jirno dagaalka aan ugu gar gaareyno Calmaaniyadda, annagoo mar marsiyo ka dhiganeyna in Islaamku aanu noo wanaagsaneyn, khatarta way sii jireysaa.” ayuu yidhi Mr. Michel Onfray.

Michel Onfray wuxuu xusay in dowladaha reer Galbeedka inayna xaq u laheyn in Qawaaniintooda ay ku soo rogaan dadka Muslimiinta ah, kuna khasbaan inay ku dhaqman, wuxuuna ku taliyay in Dowladaha Marerykanka iyo Yurub inay gacmaha kala baxaan dhulalka Muslimiinta haddii ay doonayaan in Shucuubtooda ay nabad ku noolaadaan, waxaanu yidhi; “Siyaasad ahaan xaq uma lihin inaan Qaanuunkeenna ku soo rogno dadka kale, tusaale ahaan, maxaan Qawaaniinteenna Qadaafi ugu soo rognay, maxaan ugu soo rognay Maali, waa maxayse sababta aan ugu soo rogi la’nahay Pakistan, Qadar iyo Shiinaha, hadday dhab naga tahay Xuquuqda Insaanka, maxaan si gaar ah Maali Qawaaniinteenna iyo Xeerarkeenna ugu soo rognay, iyadoo ay jiraan dalal kale oo aan ixtiraamin Xuquuqda insaaanka.”

Aqoonyahankan oo sii hadlaya, wuxuu tilmaamay in Muslimiintu xaq u leeyihiin inay dhulkooda ku maamulaan waxa ay iyagu doonayaan, balse ayna reer Galbeedku xaq ugu lahayn inay qasab kaga dhigaan in dalalkaasi lagu maamulo Qawaaniinta iyo Xeerarka laga soo minguuriyay Wadamada Yurub, “Muslimiinta dalalkooda ayay joogaan, xaqna uma lihin inaan Qawaaniinteenna ku maamulno dalalkooda.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey; “Aynu u deyno inay iyagu (Muslimiintu) is maamulan, maxaan u fara gelin la’nahay Israa’iil, waa inaan iska dhaafsanaa inaan siyaasaddeenna gumeysiga ah ku maamulno Waddamada kale, annagoo ku mar marsiyoonayna inay na dhaqaajineyso Xuquuqda Insaanka, maaha Xuquuqda Insaanka waxa dhaqaajinaya Madaxweyne Hollande (Madaxweynaha Faransiiska) marka la joogo Maali.”

Xigasho Wargeyska Himilo

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.