Jaamacadda ADMAS oo Carwadii Lixaad ku soo bandhigtay Adeegyo waxbarasho casri ah iyo qiimo-dhimis

Hargeysa(Aftahannews):- Jaamacadda ADMAS, ayaa si weyn uga dhex-muuqatay Carwadii lixaad ee Ganacsiga Somaliland oo galabta la soo gebo-gabeeyey, isla markaana waxay ku soo bandhigtay adeegyo waxbarasho oo casri ah iyo qiimo-dhimis ay Ardayda Barnaamijyadaa waxbarasho is-qoraysa lacagta lagaga daayey konton boqolkiiba 50%.

333

Baarlmaanka_Puntland_Khudbooyin_2

Sacad Muuse Cali oo ka mid ah Hawl-wadeennada ADMAS University College qaybteeda Hargeysa, oo galabta Warbaahinta kula hadlay goobta Carwada caalamiga ah lagu soo gebo-gabeeyey ee Huteel Guuleed ee Caasimadda Hargeysa, ayaa sheegay in toddobadii maalmood ee Carwadu socotay ay barnaamijyo qiimo badan iyo qiimo-dhimis boqolkiiba konton ah sameeyeen, taasoo aad u soo jiidatay dadweynihii goobtaa tagay, gaar ahaan dadka jecel waxbarashada, khaasatan adeegyada waxbarasho ee ay Carwada ku soo bandhigeen.

“Waxyaabaha ay Jaamacadda ADMAS qaybteeda Hargeysa ku soo bandhigtay Carwada Lixaad ee Ganacsiga Somaliland ayaa ahaa saddex barnaamij oo kala duwan oo kala ah 1. Post Graduate oo ka kooban qaybo kala duwan. 2-Fursad Cours kooban ah oo ah Jaamacad aannu wada-shaqayn leenahay oo ku taalla Jarmalka oo la yidhaahdo Lurbeck.” Sidaa ayuu yidhi Sacad Muuse Cali.

Waxaanu Sacad oo sii sharraxaya arrintaas uu yidhi; “3- Fursad kale oo ah Ardayda sannadka u horreeya ee ay cusub lagu gaadhsiiyo oo la yidhaahdo Crash Programe, kuwaasoo hal mar laba Simister la wada siiyo. Ardaydaa waxaannu siinnay oo kale fursad kale oo inaannu qiimo-dhimis u samayno muddadii ay socotay Carwadu boqolkiiba konton ah ah.”

Jaamacadda ADMAS ayaa ka mid ah Jaamacadaha ugu waxbarashada wacan ee xarumaha ku leh magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, isla markaana ka mid ah Jaamacadaha Ardayda ugu badani wax ka bartaan.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.