Haweenay la shaqaysa hayad samafal Turki ah oo caawa Muqdisho lagu dilay

Muqdisho(Aftahannews):- Haweenay la shaqaynaysay  hayad samafal oo ku sugan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho,ayaa caawa lagu dilay magaaladaas ka dib markii ay kooxo aan la aqoonsan oo hubaysani toogteen.

Allaha u naxariistee haweenayda la dilay oo magaceeda lagu sheegay Xaliimo Axmed,ayaa caawa markii la toogtay waxay ku sugnayd oo ay fadhiday gurigeeda hortiisa oo ku yaalla suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

 Kooxo bastoolado ku hubaysan oo aan la aqoonsa,ayaa la sheegay inay dilka gabadha geysteen,kuwaasoo markii ay dileen haweenayda ka baxsaday goobtii dilku ka dhacay.

Ciidammadda booliska oo soo gaadhay goobta dilku ka dhacay wax yar ka dib,ayaan wax war ah ka soo saarin sababta loo dilay haweenaydan oo la sheegay inay shaqaale u ahayd hayad samafal oo laga leeyahay dalka Turkiga oo ku sugan magaalada Muqdisho ee Xarunta Soomaaliya.

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland