Diarra Ina-adeertii Iyo Griezmann Walaashii Oo Midna Ku Dhimatay Midna Ka Badbaaday Weerarkii Paris

Paris(Aftahannews):- Ciyaaryahannada xulka France ee Lassana Diarra iyo Antoine Griezman ayaa laba xaaladood oo iska soo horjeeda kala soo darseen weeraradii dadka badan lagu laayay ee ka dhacay Paris habeenimadii Jimcaha.

CIYAARTOY KU WALAALO WAAYEY QARAXYADA PARIS

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara xulka qaranka France ee Lassana Diarra ayaa shaaciyey in ina-adeertii ay ka mid ahayd dadkii tirada badnaaa ee ku geeriyooday weerarkii Paris.

Diarra oo ka mid ahaa ciyaartooyadii u ciyaarayay France habeenkii mushkiladdu dhacday, kuna sugnaa garoonka State de France, ayaa Ina-adeertii oo lagu magacaabi jiray Asta Diakite ay ku geeriyootay xarunta ganacsiga ee badhtamaha Paris ee Atrocities.

Diarra ayaa bartiisa Twitterka waxa uu ku qoray in uu aad uga naxay, niyad jab weynna uu ka qaaday warka sheegaya in Asta ay ku geeriyootay weerarradaas.

“Shakhsiyan ayey ii taabteen weerarradani. Ina-adeertay, Asta Diakite, ayaa ku jirtay dadka ku dhintay toogashada dhacday, taas oo boqollaal kale oo dambi aan lahayn oo Faransiis ahi ay ku dhinteen. Waxay igu ahayd qof qaali ah, way itaageeri jirtay, walaashay igu weyn bay ahayd.” Ayuu yidhi Diarra.

Waxa uu ku baaqay in laysku duubnaado, si wada jir ahna loo difaaco is-jacaylka, ixtiraamka iyo nabadgelyada.

Diarra ayaa waxa uu hadda ka tirsan yahay kooxda Marseille ee ka dhisan waddanka France, horena waxa uu ugu ciyaaray kooxaha Real Madrid, Arsenal Iyo Chelsea.

Weeraryahanka xulka France iyo naadiga Atletico Madrid ee Antoine Griezmann, oo isaguna kula sugnaa garoonka ciyaartana kala qayb qaadanayay saaxiibkii Diarra markii weerarku dhacayay, ayaa sheegay in walaashii ay si dirqi ah kaga badbaaday xasuuqii tiyaatarka muusiga iyo heesuhu ka socdeen ee Bataclan theatre, ee ay ku naf waayeen 89 ka qof.

Ciyaaryahanka 24 jirka ahi, wuxuu ku soo qoray bartiisa bulshada fariintan: “Ilaahay baa mahad iska leh walaashay u suurto galiyey inay ka soo baxdo Bataclan. Waxaan u tacsiyeynayaa dhamaan dadkii ku geeriyooday iyo Eheladooda.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.