Australia oo Indonesia Ku Celisay Doonni Sidday Muhaajiriin Soomaali ah

Jakarta (Aftahannews):– Dowladda Australia, ayaa dib ugu soo celisay doonni siday Muhaajiriin Soomaali ah wadanka Indonesia iyadoo  aan ku sii war galin dalka Indooniisiya  inay ku soo celinayso doonni sidda dad muhaajiriin ah oo sharci  darro dalkaas ku gelayay.

 Doonida ay dawladda Ustareeliya dib uga celisay dalkeeda , ayaa sida  la sheegay  sidday dad gaadhaya 45 ruux oo isugu jira Muhajiriin Soomaali iyo Sudan  kala  ah  waxayna soo gaadheen Xeebta Island ee ku taala Bariga Indonesia.

 Wasiirka laanta socdaalka  Australia Scott Morrison,  ayaa sheegay in doonidaasi ay dib ugu celiyeen dalka Indonesia kadib markii si sharci darro ah ay ku soo gashay Biyahooda , isagoo meesha ka saaray in dowladiisu ay ku xad gudubtay Madaxbanaanida dalka Indonesia.

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland