Barafkii ugu darnaa 20 sano oo Maraykanka kala xidhay

Washington(Aftahannews):- Kumanaan dugsiyada waxbarashada ee gobolada bari iyo kuwa koonfureed ee dalka Maraykanka ayaa Talaadada maanta ah wada xiran, iyada oo qabow aad u darani uu ka dhacayo gobolada galbeedka dhexe ee Maraykanka.

_72116625_vortex1

Culimada saadaasha hawada ayaa sheegay in heerkulka magaalooyinka Washington DC, Philadelphia, iyo Boston uu gaari doono wax 10 darajo oo cabirka Celsius-ka ah ka hooseeya, inta biyuhu ku barafoobaan, iyada oo dabeysha dhacaysaana ay intaas ka sii qabowdahay.

Cimiladan Qabow ayaa sidoo kale gaari doonta, dhulka koonfurta for ee Mareykanka, oo ay ku jiraan gobolada Florida iyo Koonfurta Texas, goboladaa oo inta badan lagu yaqaan cimilo heer dhexaad ah, xilliyada Qabowga.

Masuuliyiinta gobolada uu qabowgan ka jiro ee Mareykanka ayaa go’aan ku gaaray in la xirro iskuulada, si caruurta looga ilaaliyo in dhibaato ay kala kulmaan xabowgan daran, kaasoo heerkiisu uu barafeyn karo jirka,daqiiqado gudahood, hadii qabowgan uu ku dhaco.

Aftahannews.com

Muqdisho/Office/Soomaaliya.