Xukuumadda oo ku hanjabtay inaanu Guddoomiyaha UCID Wadahadal la yeelan Karin Somaaliya

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa si adag uga hadashay hadal Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ku sheegay inay wadahadallo gaar ah la furayaan Soomaaliya, haddii Mucaaradka laga reebo wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya la filayo inay Turkiga uga furmaan badhtamaha bishan aynu ku jirno.

CALI WARANCADDE AA

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, oo maanta Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inaan Faysal Cali Waraabe awood u lahayn inuu xidhiidh la yeesho Soomaaliya.

“Arrinta Faysal Cali Waraabe ka siidaayay Warbaahintu waa arrimo keeni kara tuhun ballaadhan oo ka muuqday hadalkiisa, isla markaana ku lid ah Qarannimada iyo gooni-isu-taagga Somaliland, wax haba yaraatee loo dulqaadan karana maaha. Faysal, wuxuu ka hadlay wadahallada Somaliland iyo Soomaaliya,  arrintaasi waxaynu ognahay inay xidhnaan jirtay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde.

Wasiir Waran-cadde oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo yidhi; “Laakiin, Golayaasha sharci-dejintu sharci ka soo saareen ay u Madax-bannaanaynayaan in Madaxwaynaha iyo Xukuumaddu ay wadhadallo la furi karaan Soomaaliya, marar lagu daray Faysal Guddida wadahadallada khasaare iyo tuhun badan baa ka soo baxay, ka dib markuu Faysal isaga oo oggolaanshihii ummadda iyo Madaxwaynaha haysta uu shirar gaar ah Soomaaliya la yeeshay, kuwaasoo aan lala ogeyn, sidaa awgeed maantana Guddida baxaysa waxa jira cid aan fulinta ahayn, waxaa ka mid ah Golayaasha sharci-dejinta.”

“Maaha wax la qaadan karo inuu yidhaahdo haddaan aniga la igu darin Qaran ma jiro, macnaha Qaran ma jiradaasi sharciga waxay keenaysaa dhadhan ama muuqaal halis ah oo qofku ku mutaysan karo cawaaqib-xumo laga yaabo inaanu maanta dareemi karayn. Hadalkii Faysal ee xalay wuxuu farriin qaldan u dirayey caalamka aynu ka doonayno ictiraafka, oo sawir aan ka jirin Somaliland ayuu gudbiyey Faysal, oo ah kalsooni-darro, dawlad la’aan, hoggaan la’aan iyo kala dambayn la’aan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Waran-cadde.

Wasiirka arrimaha guduhu wuxuu farriin u diray shacabka maqlay hadalka Faysal Cali Waraabe jeediyey, waxaanu Wasiir Waran-cadde oo farriintaa gudbinayaa yidhi; “Waxaan bulshada dareenka qaaday u sheegayaa inaanu Faysal awood u lahayn, wuxuu sheegayna isaga ayay ku kooban tahay, xitaa ma qabo in Xisbiga UCID la qabo in Faysal ku hadaaqo Soomaaliya nin walba kolkiisa wadahadallo ha la galo. Waxaan leeyahay warkaa uu sheegay Faysal waxba kama jiraan, lamana yeelan karo wax xidhiidh ah Soomaaliya, haddaanu Odeygu u jeedin inuu farriin u dirto isku-shaandheynta Xamar ka socota si loogu daro liiska.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.