Koonfurta Sudan iyo Jabhadda dagaalka kula jirta oo Xabbad-joojin ku heshiiyey

Addis Ababa(Aftahannews):- Dowladda South Sudan iyo fallaagada ka soo horjeeda ayaa billaabay inay ka hadlaan xabbad-joojin. Wasiirka arrimaha dibedda ee South Sudan ayaa sheegay in arrinta maxaabiista siyaasadeed iyaduna laisku soo qaaday.

www

140105224232_south_sudan_afp304

Ninka madaxa ka ah wafidga mucaaradka, Taban Deng Gai, ayaa sheegay in haatan loo baahan yahay in xal siyaasadeed la gaaro.

Hadalkan ayaa ku soo beegmay iyadoo Sudan iyo South Sudan ay sheegeen inay ka hadlayaan inay dhisaan ciidan wadajir ah oo difaaco ceelasha biyaha ee South Sudan.

Labada dal ayaa ka cabsi qabo in ceelasha saliidda ay gacanta u galaan mucaardka uu hoggaaminayo madaxweyne kuxigeenkii hore Riek Machar.

Madaxweyne Cumar Al Bashir ayaa maalin ka hor booqday South Sudan halkaas oo uu kula kulmay dhigiisa Salva Kiir Mayardit.

Sudan ayaa sheegtay inay taageerayso in xal nabadeed loo helo dagaalka South Sudan. Ceelasha saliidda ayaa muhiim u ah dhaqaalaha labada dal. Sudan ayaa waxaa uu dakhli ka soo galaa shidaalka South Sudan ee laga dhoofiyo dalkeeda. Dhaqaalaha South Sudan ayaa gebi ahaanba ku tiirsan saliidda.

Mucaaradka ayaa qabsaday qaar ka mid ah gobollada saliidda laga soo saara ee dalkaas. Ugu yaraan 200,000 oo ruux ayaa ku barakacay dagaalka South Sudan Waxaa haatan magaalada Addis Ababa ka socda wadahadal fool ka fool ah oo u dhexeeya labada dhinac. Mucaaradka ayaa codsanayo in la sii daayo madaxda siyaasadeed ee xabsiga dowladda ku jiro.

Dagaal culus ayaa weli ka socda meel u dhaw magaalada Bor ee mucaaradku haystaan. Dowladda madaxweyne Salva Kiir Mayardit ayaa sheegayso in loo baahan yahay in ugu horrayntii la joojiyo xabadda.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.