Kulan dhex-maray Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxda Shirkadda Sahaminta Shidaalka ee DNO

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta kulan la yeeshay Masuuliyiin ka socday Shirkadda DNO oo ka mid ah Shirkadaha Shidaal-baadhista ee Somaliland heshiiska dhinaca Shidaalka ah kula jira.

DNO-1

DNO

Madaxwaynaha Somaliland waxa uu si diirran u qaabbilay Madaxada Shirkadda DNO oo booqasho ku yimi magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland. Kulanka ay Madaxda Shirkaddu la yeesheen Madaxwaynaha ka dib, waxa Warbaahinta kula hadlay Madaxtooyada Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland, kuwaasoo faahfaahiyey ujeeddada socdaalka Weftiga iyo Waxyaabaha ay Madaxweynaha ka wadahadleen.

“Waxaannu halkan ku soo dhaweynaynaa Shirkadda DNO oo la siiyay (Block 18), waxaannu soo dhaweynaynaa Madaxda Shirkadda oo aannu filayno inaannu si wanaagsan ula shaqeyno, Wasiirkeenna Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale-na si wanaagsan ula shaqeeyay, aad baannu u soo dhaweynaynaa, waxaannu aamminsannahay, iyaguna aamminsan yihiin in Batroolka iyo Shidaalka ku jiraa uu yahay ka meel sare inna gaadhsiinaya.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo ugu horreyn arrintaa ka hadlay.

Sidoo kale, Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa isaguna sheegay inuu ku faraxsan yahay kulankan ay Madaxweynaha la yeesheen Madaxda Shirkadda DNO, waxaanu yidhi; “Shirkadda DNO maaha shirkad innagu cusub, waa shirkad aynu heshiis la saxeexannay, waxaannu kula saxeexannay Washington DC, intaana way soo diyaar-garoobayeen, shirkadduna waa shirkad Norwayjiyaan ah.”

“Laakiin, waxay ka shaqeysaa Khaliijka iyo Waqooyiga Afrika, waxaanay wadataa iskaashato kala shaqeynaysa Block 18 oo 40% leh, immikana shirkaddu way soo degtay dalka, waxaanay doonaysaa inay u diyaar-garowda hawshii, laba bilood horteed ayay dalka ka furatay Xafiis, Maareeyihii dalka u metelayeyna wuu innala joogaa, Xuseen Jaamac Diiriye. Markaa, maanta waxay dalka u yimaaddeen inay Madaxwaynaha soo salaamaan oo ay u sheegaan inay diyaar u yihiin shaqadii inay hore ka bilaabaan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.