“Soomaaliya waxay dirqi ku soo hor-fadhiisataa Somaliland oo dawlad ah, Mucaaridna waxba weydiin Meyso” J-Shabeel

Hargeysa(Aftahannews):-  Xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa hadal meel-waayey iyo waxaan suuragal ahayn ku tilmaamay hadal ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo shalay ku hanjabay inay wadahadal gaar ah la furi doonaan dawladda Soomaaliya, haddii ay Xukuumadda Somaliland isku koobto wadahadallada la filayo inay bishan u furmaan labada dhinac.

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbi-xaakimka KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-Shabeel) oo maanta qaar ka mid ah Warbaahinta ugu warramay Hargeysa, ayaa sheegay in hadal meel waayay yahay, hadalka ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ee uu ku sheegay inay Xisbiyada Mucaaridku wadahadallo gaar ah la geli doonaan Dawladda Soomaaliya haddii ay Xukuumadda Somaliland ka reebto inay xisbiyada Mucaaridku ka mid noqdaan Weftiga Somaliland uga qayb gelaya wadahadalada la filayo inay bishan ka furmaan Turkiga, oo ay Xukuumaddu sheegtay inaay Xisbiyada siyaasaddu ku wehelin doonin.

Guddoomiyaha golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE Jaamac-Shabeel oo  la weydiiyay sida uu u arko hadalka Faysal Cali Waraabe oo ku sheegay inay wadahadal gaar ah la furan doonaan Soomaaliya haddii lagu dari waayo Weftiga Somaliland metalaya, ayaa ku jawaabay;

“Horta, hadalkaasi waa mid la iska yidhi Soomaaliya waxay dirqi ku aqbashay inay soo hor fadhiisato oo ay la hadasho Somaliland, waayo? waxay ku dheggen tahay oo ay ku doodaysaa midnimo Soomaaliyeed iyadoo taa aamminsana Somaliland oo ay dirqi kula hadasho Mucaaridkooda inay soo hor fadhiisataa waa waxaan dhacayn oo aan  dhici karin.”

Waxaa kale oo uu ka hadlay Guddoomiye Jaamac-Shabeel halka ay marayso qaban-qaabada shirweynaha Xisbiga KULMIYE,oo uu sheegay inay meel wanaagsan marayso, waxaanu yidhi; “Shirweynaha KULMIYE xilligii loogu talo galay ayuu qabsoomayaa waxaana imika hawshoodii wata guddigii qaban qaabada wax dhiaato ah oo xisbiga ka dhex jiraana ma jirto hawluhuna meel fiican ayay marayaan.”

“Wax shir ah oo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland uu u qabtay Xisbiga KULMIYE ma jirto, dhawr qof oo wada qayilay oo meel isugu yimina Xisbiga KULMIYE wax go’aan ah oo ay ka soo saari karaanna ma jirto, qoraalka Maxamed Kaaahinna wuxuu la mid yahay uun Madaxweyaha oo jooga oo uu Ku-xgeenku yidhaahdo anigaa shirinaya Wasiirrada, mana soconayso.” sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha dhexe ee KULMIYE Jaamac-Shabeel.

Haddaba halkan hoose guji si aad u dhegaysato codka Guddoomiye Jaamac-Shabeel oo dhammaystiran.

..

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland