Maraykanka oo sheegay inuu Ciraaq ka taageerayo la-dagaallanka kooxda Falluuja qabsatay

Washington(Aftahannews):- Dawladda Maraykanka, ayaa shaaca ka qaadday inay taageero qalab Millateri ah u fidinayso Ciidammada dawladda Ciraaq oo isu diyaarinaya inay dagaal fool-ka-fool ah oo ku qaadaan Fallaagada taageersan Shabakadda Al-Qaacida ee toddobaadkan qabsaday magaalada Falluuja ee Galbeedka dalkaas.

Afhayeenka Aqalka cad ee Maraykanka Jay Carney, ayaa sheegay inay si dhaw ula shaqaynayaan dawladda Ciraaq, si ay uga adkaato dawladda Nuur Al-Maliki Fallaagada Al-qacida gacan-saarka la leh ee la wareegay gacan-ku-haynta magaalada Istaraajijiga ah ee Falluuja.

Waxa uu sheegay Afhayeenka Aqalka Cad ee Maraykanka u hadlay, inay goor horeba Millateriga Maraykanku diyaariyeen inay Ciidammada qalabka sida u qorsheeyeen inay toddobaadkan gudihiisa gaadhsiiyaan Hub ay iskaga difaacaan Al-Qacida, isla markaana ay bilaha soo socda Madaafiicda tiirada-dheer gaadhsiin doonaan.

Sidoo kale, Afhayeen Jay Carney sheegay inay hore Ciidammada Maraykanku guula uga gaadheen diciifinta kooxaha uu ugu yeedhay Argagixisada Ciraaq, hase ahaatee haddana ay weli jiraan hadhaa loo baahan yahay in laga takhalluso.

Raysal-wasaaraha dawladda Turkiga Nuur Al-Malliki, ayaa dadka reer Falluuja ugu baaqay inay magaaladooda ka saaraan Al-Qaacidada qabsatay, isla markaana dawladda kala shaqeeyaan sugidda amniga magaaladaas iyo nawaaxigeeda sidii looga nadiifin lahaa waxa uu ugu yeedhay Argagixisada.

Maliki ayaa sheegay in haddii ay dadku wax ka qaban waayaan “argegaxisada” ay dowladdisu qaadi doonto tallaabo militeri oo ay dib ugu qabsanayso magaalada.

Kooxda Islaamiyiinta ah ee taageerta AL-Qaacida, ayaa bilawgii toddobaadkan la wareegay gacan-ku-haynta magaalada Falluuja, isla markaana kaantarroola inta badan dhaqdhaqaaqyada magaaladaas.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.