Garoowe(Aftahannews):- Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka ee Maamul-goboleedka Puntalnd, Puntland, ayaa caawa shaaciyey Magacyada Musharrixiinta ka qaybgelaya doorashada jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, kuwaasoo labada xubnood ee labadaas jago ku kala guulaystaa ay xilka hayn doonaan muddo shan sano ah.
Guddoomiyha Guddiga doorashada Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad, ayaa wax yar ka dib markii uu soo idlaaday waqtiga qabashada araajida murashaxiintu, wuxuu warbaahinta usoo gudbiyey liiska murashaxiinta rasmiga ah ee ku tartami doona doorashada dhici doonta maalinta Arbacada ee ay taariikhdu ku beegan tahay 8-da bisha Janaayo ee sanadka 2014.
Magacyada murashaxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha ayaa kala ah:
C/raxmaan Maxamed Faroole
Cali Xaaji Warsame
Cabdiwali Maxamed Cali Gaas
Shire Xaaji Faarax
Cabdidaahir Maxamed Yuusuf Yeey
Cali Cabdi Awaare
Cali Cabdiqaadir Yuusuf
Cabdiwali Maxamuud Guray
Maxamuud Cabdiraxmaan Cuuke
Cabdilaahi Siciid Samater
Maxamed Cabdinuur Xirsi
Xilka madaxweyne ku-xigeenkana waxaa u tartami doona:
Cabdisamad Cali Shire
Daahir Xaaji Khaliif Maxamed
Cabdirisaaq Maxamed Cumar
Maxamed Xirsi Ducaale
Maxamuud Caydiid Dirir
Axmed Cilmi Cismaan (Karaash)
Cabdixakiin Cabdilaahi Xaaji Cumar
Xusen Xaashi Xasan
Cabdilaahi Cali Xirsi (Tima-cadde)
Cabdilaahi Daahir Maxamuud.
Salaasada Berri Berri ah ayey murashaxiintu Golaha Wakiillada ka hor jeedin doonaan taariikh-nololeedkooda oo kooban iyo weliba mid waliba waxa uu qaban doono haddii uu doorashada ku guulaysto oo Madaxweyne ama Madaxweyne ku-xigeen ka noqdo Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.