Xukuumadda Somaliland oo Ruqsadda kala noqotay Shirkad Dhaqan-xumada dalka ku Faafisa

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaqada ka joojisay koox sheegtay inay yihiin Shirkad oo lagu eedeeyey inay dhaqan-xumada faafiso oo muddo sannad iyo dheeraad ah dalka qaab qarsoodi u eeg uga hawlgalaysay, isla markaana dhaqaale badan lagu urursanayey.

biiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiir

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Nimco Xuseen Qawdhan, ayaa soo saartay qoraal ay shaqada kaga joojinayso, isla markaana oggolaanshaha kagala noqonayso Wasaaraddu Hay’addaas oo lagu magacaabo Tinashi, taasoo lagu eedeeyay inay dalka uga shaqeynaysay sidii mashruucii la odhan jiray JIIF oo JAQ ee dadka reer Somaliland lacagta Malaayiinka Doollar ah lagaga dhacay sannadkii 2009,  iyada oo qaab Shirkad ahaan ah dadka Lacag looga urursanayey, sidoo kalena Dawooyin loogu sheegay inay Maskaxda nadiifiyaan, isla markaana jidhka qofka gabawga ka ilaaliyaan-na laga iibinayey.

Waxa kale oo Hay’addan oo uu Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka oggolaanshaha siiyey, la sheegay inay faafinaysay Diinta Maseexiga, isla markaana dhaqammo kale oo uu ka mid yahay Jaaska qoob-ka-ciyaarka loo yaqaanno bari jirtay dhalinyara Wiilal iyo Gabdho isugu jira oo da’doodu u dhaxayso 15 jir illaa 25-jir sida la sheegay, ayaa muddo dalka ka shaqaynaysay, Caasimadda Hargeysa ha u badnaatee.

Warqadda qoraalka ah ee ay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadku soo saartay oo ay ogeysiin ka siisay dhinacyo kala duwan, isla markaana meesha kaga saartay oggolaanshaha Shirkaddaas uu siiyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo lagu eedeeyey inuu mashruucan qayb ka ahaa, ayaa ku qornayd Luuqadda Ingiriisida, waxaanay Warqaddaas oo Aftahannews helay Wasiirku Xigeenku ku sheegtay inaan laga bilaabo maanta oggolaanshaha ay hore Wasaaraddoodu u siisay hay’addaasi shaqaynaynin.

“Wasaaradda Caafimaadku waxay ku dhawaaqaysaa inay la noqotay oggolaanshaheedii, taariikhda amarka laga bilaabana ma shaqeynayo (Oggolaanshihii hore).” Sidaa ayay Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka Somaliland Nimco Xuseen Qawdhan ku tidhi qoraalkeeda.

Waxaanay Warqadda Wasiir Ku-xigeenka ee Aftahannews helay oo ku qornayd Ingiriisi ay u dhignayd sidan hoos ku qoran:-

“To: Tianshi Somaliland Business plc,

Cc: H.E Minister, MoH

Cc: Director General, MoH

Cc: Ministry of Commerce

Cc: Quality Control Commission

Subject: Hold on for The Product Marketing/Licensing Authorization’

Referring the letter from Ministry of Health Ref No: MoH/DG/336/20013, dated 9/10/2013, wich Moh had permitted Tinashi Somaliland Business plc, to import the five food supplements; the Ministry of Health is announcing that it has returned the permission, and will remain invalid from the issuance of this order.

Thank you for the collaboration.

H.E. Nimco Hussein Qawdhan

Vice Minister of Health of the Republic of Somaliland.”

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.