Khasaaraha Qarax ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya oo lagu bar-tilmaameedsaday Nicholas Kay

Muqdisho(Aftahannews):- Ugu yaraan Lix Ruux ayaa ku dhintay, illaa 12 Ruuxna way ku dhaawacmeen Qarax culus oo lagu bartilmaameedsaday Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho caawa fiidkii, ka dib markii Gaadhi laga soo buuxiyey waxyaabaha Qarxa lagu fuliyey weerarkaas qaraxa ahaa oo uu ka badbaaday Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Nicholas Kay oo ku sugnaa Madaxtooyada sida ay xaqiijiyeen wararka ay Aftahannews ka helayso gudaha Madaxtooyada.

QARAX KA DHACAY MADAXTOOYADA SOOMAALIYA EE MUQDISHO

Sida ay xaqiijiyeen wararka Aftahannews ka helayso Madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho, dadka dhaawacmay waxaa ku jira ilaalada Soomaalida ah ee Danjire Nicholas Kay qaarkood. Warku wuxu intaas ku daray in Dadka dhintay, ay laba ka mid ahi ahaayen Shicib, halka inta kalena lagu sheegay inay ahaayeen Askar ka tirsan ilaalada Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Caasimadda Muqdisho. Waxay wararka laga helayo Soomaaliya intaas ku darayaan in dadka ku dhaawacmay halkaas ay isugu jiraan Askar, Shaqaale iyo Shacab, iyadoo aan illaa hadda wararku xusin in wax masuuliyiin ahi wax ku noqdeen weerarkaas Qaraxa ahaa.

Qaraxaas ayaa ahaa mid xoog badan oo dhawaaqiisa laga maqlay meelo badan oo Muqdisho ka mid ah sida ay wararku xuseen. Waxaana awoodda qaraxaas dartiis la sheegay in dad Salaaddii Makhrib ku Tukanayay Masaajid ku dhaw Madaxtooyada ay ka mid yihiin dadka ku dhaawacmay Qaraxaas.

Weerarka, ayaa dhacay xilli ay Weftiyo ka qaybgalay Shirkii aayo-ka-tashiga Siyaasadeed ee Soomaaliya oo Isniintii Maanta lagu soo gebo-gabeeyey Magaalada Muqdisho, ay qaarkood ku sugnaayeen Madaxtooyada oo ay kulammo kula lahaayeen Madaxda sare ee dawladda Federaalka Soomaaliya.

Baabuur uu lahaa Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa waxyeello ka soo gaadhay Qaraxaas sida la sheegay, kaasoo wararku intaas ku daray inaanu markaas isagu saarnayn, hase-yeeshee ay qaar ka tirsan ilaaladiisa Soomaalida ah ay dhaawacyo ka soo gaadheen qaraxaas.

Illaa hadda si rasmi ah looma oga in Qaraxaas lagu bartilmaameedsanayey Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay, balse waxay wararka qaarkood tibaaxayaan in markii uu weerarka dhacayey Danjire Kay uu ku sugnaa Xarrunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho, isla markaana uu Qaraxu dhacay wakhti kulanka gudaha Madaxtooyada uga socday dhammaaday oo uu doonayey inuu ka baxo halkaas.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.