Tahriibayaal Tallaagadaysan oo dirqi lagu badbaadiyey iyo dad loo xidhay

Austria(Aftahannews):- Ciidammada Boliiska dalka Austria, ayaa ka badbaadiyay labaatan iyo afar qof oo Tahriibayaal ahaa, kuwaasoo saarannaa Gaadhi aan hawo lahayn oo ay si qarsoodi ah doonayeen inay ugu galaan waddankaas oo ay u tahriibeen.

TAHRIIBAYAAL TALLAAGADAYSAN OO LA BADBAADIYEY

Afhayeen u hadlay Booliska Austria, ayaa sheegay in dadkaasi aanay noolaan lahayn haddii ay ku sii jiri lahaayeen saacado kale gudaha Baabuurka qufulan ee ay ku tahriibayeen ama doonayeen inay hab qarsoodi ah ugu galaan dalkaas, balse nasiib-wanaag iyaga oo nool ay badbaadiyeen. Waxa ay 24 qof ee Tahriibayaasha ahaa ee la badbaadiyey u dhasheen dalka Afghanistan oo ay ka tahriibeen.

Darawalka Gaadhiga dadkan tahriibinayey waday oo u dhashay dalka Romania, ayaa Ciidanka Ammaanku xidheen, iyagoo sheegay in laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan ka dib baadhitaan dhammaystiran oo lagu samayn doono Wadaha Baabuurkaas ay 24-ka qof ku dhex-xidhnaayeen, kuna dhiman lahaayeen saacad ka dib xilliga la badbaadiyey hadday ku sii jiri lahaayeen sida uu xusay Afhayeenka Booliska dalkaas u hadlay.

Toddobaadkii hore ayey Ciidanka Booliska waddanka Austria waxay heleen toddobaatan Ruux dad tiradoodu ahayd oo Meyd ah dhammaantood, kuwaasoo ka tegay dalka Hungary, isla markaana ku dhintay gudaha Gaadhi Qufulan oo nooca Qudaarta qaarkeed iyo Hilibka lagu qaado ee Qaboojiyeyaasha leh ah.

GAADHIGA mEYDADKA TAHRIIBAYAASHA LAGA DHEX HELEY DALKA Austria

Gaadhigan qufulan ayaa gudihiisa lagu qufulay Dadkaas toddobaatanka qof ahaa ee dhammaantood dhintay, ka dibna ay ku dhinteen markii ay neef-qabatoobeen, qabaw badanina helay. Waxaana Kiiskaas Boolisku u xidheen saddex qof, inkasta oo Gaadhiga ay Meydadkaasi saarnaayeen lagaga tegay goob cidlo ah markii kuwii waday ogaadeen inay dadku wada dhinteen.

Dawladda Hungari, ayaa xidhay Tareenkii ay dadku ku imaan jireen magaalada Budapest oo dad badan ay doonayeen inay raacaan oo ay ku tagaan waddamada Galbeedka Yurub, si ay nolol ka roon ta waddankooda Hooyo ay ku haystaan uga raadsadaan dalalka Qaaradda Yurub.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.