Malleeshiyo Hubaysan oo Muqdisho ku dilay Raxma Maxamed Cabdiqaadir iyo Goobta ay ka hawlgalaysay

Muqdisho(AftahanNews):- Malleeshiyaad hubaysan oo la filayo inay Kooxda Al-Shabaab ka tirsan yihiin , ayaa magaalada Muqdisho maanta ku dilay Raxma Maxamed Cabdiqaadir, Gabadhaas oo ka tirsanayd Shaqaalaha ka hawlgala Xarunta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho.

raxma

Gabadhan la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Rahma Mohamed Abdulkadir waxaana dilkeeda fuliyay dhalinyaro Seddex gaadheysa oo bastoolado ku hubeysnaa waxa uuna Dilkaasi ka dhacay Degmada Wadajir.

Dad goobjoogayaal ahaa ayaa kusoo waramaaya in dhalinyaradii dilka geystay ay goobta ka baxsadeen, iyadoona halkaasi ay gaadheen Ciidamada DF S oo howlgal halkaasi ka fuliyay.

Alle ha unaxariistee Raxma Maxamed Cabdiqaadir waxa ay ka mid aheyd shaqaalaha Baarlamaanka dawladda Federaalka ee Soomaaliya, gaar ahaan Xubnaha aadka ugu firfircoon Shaqada sida la sheegay, waxaanay ku dhimatay gacan ka xaq-daran iyo fal argaggixisannimo.

AftahanNews.com

Nuur_Giriig1@hotmail.com.