”Cali Khaliif Galaydh Buhoodle waa laga saaray, wuu fashilmay” Faysal C. Waraabe oo ammaanay Xaglo-toosiye

Hargeysa(AftahanNews):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka, ayaa maanta ka hadalay arrimo badan oo ay ka mid yihiin Xeeraka Doorashooyinka ee hore yaala Golaha Wakiilada somaliland sidoo kale gudoomiye faysal waxa uu ka hadalay Cali Khaliif Galaydh oo dhawaan buhoodle yimi isla markaana ku baaqay in ay shacabku dagalamaan gudoomiye faysal cali waraabe ayaa arintaa ku tilmaamay waxa laga xumaado sidoo kalena u hanbalayeey Waasiirka Safimaadka Somaliland.

Faysal Cali Waraabe waxa uu ka hadlay dhibaatada dhulka iyo is-dilka Ciidammada Qaranka ee soo badanaya labadii sano ee u dambeeyey, isla markaana waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in Guddi Madax-bannaan loo saaro arrintaas oo soo baadha waxa keenay in Askartu Saraakiishooda laayaan, isagoo xusay inay meesha caddaalad-darro ka muuqato. Faysal Cali Waraabe waxa uu dhalliilay nidaamka dawladaha hoose ee dhinaca dhulka oo caqabad wayn ku ah nabadgelyada iyo wada-jirka bulshada, Golayaasha deegaankuna shaqooyinkii ay bulshada u qaban lahaayeen kaga mashquuleen oo dhul uun ka shaqaystaan, waxaanu soo jeediyey in nidaam iyo sharci rasmi ah loo baahan yahay inay dawladdu u samayso.

Waxa kale oo uu Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Hambalyo u diray Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo uu sheegay inuu si waddaniyad iyo geesinnimo leh wax u fahansiiyey dadka deegaankiisa, Cali Khaliif oo uu ku tilmaamay aqoonyahan fashilmayna ka saaray Buuhoodle oo ay isugu tageen shalay markii uu dorraad Galaydh halkaas yimi ka dib.

Waxaannnu Shirka Jaraa’id ee Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ku qabtay Hargeysa oo uu qodobbo badan oo kala duwan kaga hadlay, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

AftahanNews.com

Nuur_Giriig1@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland.