”Ma Oggolin ee Cali Khaliif Galaydh hadda ku dareera ha Inna dhaafo …” Wasiir Xaglo-toosiye

Buuhoodle(Aftahannews):- Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa  si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Buuhoodle. Socdaalka wasiirka ayaa lala xidhiidhinayaa sidii aanu degaankaasi saamayn ugu yeelan lahayn Hogaamiyaha kooxda Khaatumo oo isna ku sugan degaanka Buuhoodle kadib markii maalmihii la soo dhaafay uu halkaasi soo gaadhay.

Gaadiid tiro badan iyo fardo ayaa lagu qaabilay weftiga Wasiir Xaglotoosiye, iyadoo waxgaradka iyo qaybaha bulshada ee degaanku kaga hor tageen degaanka Kalshaale oo 35km u jira magaalada Buuhoodle oo markii dambe weftiga loo galbiyay.

Wasiirka oo bulshada hadal u jeediyay ayaa u laqimay sida qaddiyadda qaranimada Somaliland u tahay lama taabtaan, waxaanu bulshada ugu bushaareeyay in xukumaddu ula diyaar tahay mashaariic horumarineed.

Wasiirka caafimaadka ayaa tan iyo intii uu xukumadda Siilaanyo ka tirsanaa waxa bulshada degaannada bariga Somaliland kaga mahad sheegteen waxqabad adeegga caafimaadku ugu horeeyo, isagoo saamayn siyaasadeedna ku leh deggaannadaasi.

Wasiir Xaglotoosiye oo meel fagaare ah kala hadlay boqolaal shacbiga Buuhoodle ah ayaa si adag uga hadlay joogitaanka Cali Khaliif ee Buuhoodle oo uu ku macneeyay  mashruuc colaadeed loo soo waariday bulshada Buuhoodle.

 

“Reer Buuhoodlow colaad la soo raray ayaa idiin timid ee hala iska saaro.anigu ma rabo wiil dambe inuu Buuhoodle ku dhinto. Buuhoodle in dhib dambe ka dhacdo ma rabo. Reer Buuhoodlow tashada. Isku tashada, colaad baa la idiin soo raray, mashruuc baa la idiin keenay la doonayo inaad ku dhimmataan. Ma doonayo, ma rabo, ma arki karo wiil dambe oo reer Buuhoodle ah oo bilaash ku dhinta,” ayuu yidhi Xaglotoosiye oo wajiga laga dheehanayo siduu uga xun yahay joogitaanka Cali Khaliif ee Buuhoodle.

 

Wasiir Xaglotoosiye ayaa sidoo kale ka hadlay imaatinka Cali Khaliif ee Buuhoodle “ Cali Khaliif meesha uu ka soo jeedo ha tago oo wiilashiisa ha ku khamaaro laakiin, reer Buuhoodle wiilashoodu khamaarkii way ka gudbeen. Ma ogolin ee Cali Khaliif hadda ku dareera ha ina dhaafo,” ayuu yidhi Mudane Xaglotoosiye.

 

Waxaa halkaasi hadalo ka jeediyay waxgarad iyo dadweynaha reer buuhoodle oo si diiran ugu soo dhaweeyay degaanka wasiir Xoglotoosiye, kuwaasi oo sheegay inuu dhulkiisii yimid islamarkaana ay ku soo dhaweynayaan.

Halkan Ka Daawo Wasiirka Cafimaadka Somaliland Oo Goob Fagaare ah Kala Hadalaya Dad waynaha Reer Buhoodle.

Aftahannews.com

Nuur_Giriig1@hotmail.com

Buhoodle.