Warbixin: IMF oo sheegtay inaan Soomaaliya Amaah dambe la siinayn illaa ay bixiso Malaayiin hore

Muqdisho(Aftahannews):- Ururka Dhaqalaha Calaamka uu qaabbilsan ee International Monetary Fund, ayaa sheegay in dalka Soomaaliya lagu leeyahay Dayn Lacageed $328 Million oo Doollar, isla markaana aan lacag amaah ah oo kale la siin doonin illaa la isla afgarto qaabka daynta loo bixin doono, sidaana waxa sheegay Masuul ka socda Hay’adda Dhaqalaha Dunida Mr. Rogerio Zandamela.

international monetary fund aftahannews eee

Mr. Zandamela oo Hoggamineyey Wefti ka socday Hay’addaas oo boqasho ku joogay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya toddobaadki hore, waxa uu sheegay inay joojiyeen amaah cusub oo la siiyo Soomaaliya illaa ay bixiyaan $328 (saddex boqol, labaatan iyo siddeed) Million oo Doollarka Maraykanka ah oo dayn ahaan lagu leeyahay.

“Hayada IMF wakhti xaadirkan waxa ay joojisay amah cusub la sinayoo Soomaaliya, ila ay bixiyaan daynta dalkaa lagu leeyahay oo ah lacag dhan $328 million oo Doollar. Laakiin-se, waxaannu kula talinaynaa Masuuliyiinta dalka Soomaaliya qaabka ugu habboon ee wafaaqsan nidaamka ama Siyaasada Dhaqalaha, ay ka mid tahay marka loo eego Barnaamijka la socodka shaqaalaha oo ah Barnaamiij qarsoon oo fududeynaya wadahadalka lala yeelanayo Hay’adda Dhaqalaha ee IMF, oo nuxurkiisu yahay Siyaasadda Dhaqalaha oo aan lahayn wax maalgeliin ah.” Sidaa ayuu yidhi Rogerio Zandamela.  

Mr. Zandamela waxa kalo uu sheegay in dalka Soomaaliya ay rejo badan leedahay, waxaanu xusay khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya leedahay, sida Shidaalka, Gaasta, Kaaluunka iyo kuwa kale oo badan. Lakinse, ay uu bahan tahay nidaamkii lagu mamuli lahaa khayraadkan oo dhan oo kaalin weyne ka qadaan kaarta horumaarka dalka oo dhan, waxana uu yidhi; “Waxa ay leeyihiin khayraad dabiici ah, sida gaasta iyo betroolka iyo kaaluun iyo khayraad kale oo badan, hadanase waxa loo bahan yahay nidaamkii lagu maamuli lahaa khayraadkan oo horumaarka dalka oo dhan ka qadan kaarto.”

Dalka Soomaaliya in ka badan labaatan sannadood oo ay dagaallo sokeeye ka socdeen, isla markaana sababey amni-darro iyo burbur dalku ku dhaco, wakhti xaadirkan waxa ku sugan Ciidammo ka socda Ururka Midwoga Afrika ee AMISOM sida dalalka Burundi, Kenya iyo Uganda dalalkas oo ka qayb-qadanaya sidii loo sugi lahaa ammanka.

Waddanada Soomaaliya iyo Zimbabwe waa labada dal ee Afrikaanka ah oo xilligan taageero dhaqale aanay siin Hay’adaha dhaqalaha bixiyaa ee caalamku, isla markaana dalalka caalamka ka caawiyaa qaabka ugu haboon taageerada dheelli-tirnaanta lacagaha bixinteeda. Laakiinse, Mr. Zandamela ayaa war saxafadeed ku sheegay in dhaqalaha dalka Soomaaliya ay soo hoggaagayso, waxaanu yidhi; “Xaaladda dhaqaalaha oo si deg-deg ah uu hagaagtay sannaddadii u dhexeeyey 2012-14, iyadoo wadarta guud ee wax-soosaarka GDP dhabta ah ay kor u kacday boqolkiiba %3.7 sannadkii 2014.”

“Dhaqalaha dalka oo soo kabmayso oo ay hormood ka yihiin suuqyada iibka xoolaha nool iyo kaluunka, iyo suuqa ganacsiga gaarka loo leeyahay oo dib uu soo noolaaday adeega warshadaha ay ka mid tahay isgadhsiinta, dhismaha iyo xawaladaha lacagaha la isugu diro, oo intooda ba lagu xidhidhiyo dib uso noqoshada dadka qurba joogta Soomaalida. Haddi xalaada amanku wanagsanato sida ay hataan ku socoto, qaybaha ganacsiga gaarka loo leeyahay ay sidan ku socoto inay ka qaybqaadato qaybta ugu firfircoon ee koboca dhaqaale.” Sidaa ayuu yidhi Zandamela.

Hawlgalka ay ku tegeen dalka Soomaaliya waxa ay fududeyse inay soo ururiyaan, isla markaana ay falanqeeyaan xog sugan, waana warbixintii ugu horreysey ee muddo 26 sano ah laga soo saaro Soomaaliya ee dhinaca xaaladda Caafimaadka Dhaqale.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.