Somaliland oo Qaylo-dhaantii ugu cuslayd u dirtay Beesha Caalamka iyo Muwaaddiniinteeda

Hargeysa(Aftahannews): Guddiga Abaaraha heer Qaran ee dawladda Somaliland, ayaa maanta shaaciyey in tiro ka badan labaatan (20,000) kun oo Qoys u baahan yihiin in gurmad deg-deg ah oo heer caalami ah iyo mid gudaha ah-ba lala gaadho, ka dib markii ay qaar ka mida gobollada iyo degmooyinka Somaliland ay Abaar biyo iyo baad la’aan sababtay ku habsatay.

GUDDIGA ABAARAHA QARANKA SOMALILAND

Guddigan Abaaraha oo uu Guddoomiye u yahay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa kulan ay Isniintii maanta ku yeesheen xarunta Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa ka dib, waxay la hadleen Saxaafadda oo ay qaylo-dhaantan iyo baaqan gurmad mariyeen.

Haddaba, waxay Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Xubnaha kale ee Guddiga Abaaraha Qaranka Somaliland ka tirsani sharraxaad ka bixiyeen sida ay abaaruhu dalka iyo dadka u saameeyeen, deegaannada iyo gobollada ay aadka ugu badan tahay, biyo iyo baad la’aanta taagan iyo xaddiga gurmadka loo baahan yahay.

Waxaannu Warbixinta Warkan Guddiga Abaaraha Qaranka Somaliland oo dhammaystiran, isla markaana faahfaahsan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho Habboon:-

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Sabtidii ku amray Wasaaradaha Maaliyadda iyo Khayraadka Biyuhu inay gurmad deg-deg ah 48 saacadood gudohood kaga bilaabaan dalka, isla markaana biyo gaadhsiiyaan dadka iyo duunyada harraadka abaaraha ka dhashay hayo ee biyo iyo baad la’aantu haleeshay, inkastoo aan gurmadkaa si muuqata weli loo arag, haddana deegaannada qaar, ayaa la sheegay in biyo Xukuumaddu gaadhsiisay.

aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.

Hargeysa/Somaliland.