Muhiimadda qodobbo Qaramada Midoobay iyo Somaliland kaga wadahadleen kulan dhex-maray

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland iyo Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Soomaalida ee UNSOM, ayaa ka wadahadlay arrimo kala duwan oo la xidhiidha dhinacyada nabadgelyada, arrimaha bina-aadaminnimo, khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dib-u-dhaca doorashooyinka iyo muddo-kordhinta Madaxtooyada dalka, sida wax looga wada qaban karo dhibaatooyinka abaaraha wakhtigan ka taagan Somaliland iyo sidii musuqbalka xal loogu heli lahaa iyo qodobbo kale.

_DSC0076

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Masuuliyiin Xukuumaddiisa ka tirsan, ayaa Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa ku qaabbilay, isla markaana kulan arrimahaas iyo kuwo kaleba ay kaga wadahadleen la yeeshay Ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Madaxda uga ah Xafiiska arrimaha Soomaalida qaabbilsan ee UNSOM ee xaruntiisu tahay Muqdisho Peter de Clercq ahna Isu-duwaha Gargaarka Bina-aadannimo iyo Wakiilka Barnaamijka Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ee Horumarinta ee (UNDP), kaasoo booqasho shaqo Isniintii maanta ku yimi Hargeysa.

Inkasta oo kulankan Masuuliyiinta labada dhinac dhex-maray intii uu socday ahaa mid gaar iyaga u ah oo aan Warbaahinta loo oggolaannin, haddana markii uu soo dhammaaday waxaa Saxaafadda si wada-jir ah ula hadlay Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Peter de Clercq, iyagoo uga war-bixiyey qodobbada ay kaga wadahadleen kulankooda.

Haddaba, Warbixinta Warkooda iyo hadallada ay ku sharraxayaan labadan Masuul waxyaabaha ay Somaliland iyo Qaramada Midoobay kulankoodan Maxtooyada Hargeysa ku dhex-maray ku qaadaa-dhigeen ama kaga wadahadleen, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.