Madaxweyne Siilaanyo oo lagu soo dhaweeyey Hargeysa, Waddadana u maray dhinaca Sharci-darrada Daawo

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti uu hoggaaminayo oo gobollada Bariga dalka Safar shaqo ku marayey tan iyo Axaddii toddobaadkii hore, ayaa Axaddii maanta dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa, oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen dadweyne tiro badan oo laga soo kala ururiyey Xaafadaha ay degmooyinka ay Caasimadda Hargeysa ka kooban tahay.

Madaxweyne Siilaanyo, Weftigiisa iyo Masuuliyiinta dawladda ee soo dhaweeyey-ba waxay mareen intii ay gudaha Caasimadda dhex-marayeen Jidka Wadnaha ee magaalada dhex-mara illaa Madaxtooyada, kaasoo ay dhinaca aan sharciga ahayn u marayeen, iyagoo u socda Gaadiidka Madaxweynaha iyo Weftigiisu dhinaca Galbeed, jidkaas oo laga mabnuucay in loo maro dhinaca Galbeed, balse keliya ay mari karaan dhinaca Bari Gaadiidka u socdaa.

SIILAANYO IYO SOODHAWYNTA HARGEYSA

Dadweynahan laga soo kala ururiyey Xaafadaha degmooyinka Hargeysa ka kooban tahay, waxaa soo abaabulay Laamaha kala duwan ee dawladda, sida dawladda Hoose, Xafiiska Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, Wasaaradaha Maaliyadda, Warfaafinta iyo Madaxtooyada Somaliland, si ay u soo dhaweeyaan Madaxweynaha.

Madaxweynaha iyo Weftigiisa oo fiidkii caawa ku soo laabtay Hargeysa oo maanta maalinteedii ka ambabaxay Hargeysa, ayaa dadweynahaasi si diirran ugu soo dhaweeyeen Caasimadda,  kuwaasoo jidka dacalladiisa tubnaa illaa dhinaca magaalada laga soo galo ee Kaantarroolka Haleeya, iyagoo Masuuliyiinta dawladduna si weyn uga qaybqaadanayey soo dhawaynta Madaxweynaha.

Warbixinta warka soo dhawaynta Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisa iyo qaabkii magaalada Hargeysa loogu qaabbilay waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.