“Ma jirto cid aannu u daba-fadhino Dekedda Berbera, cidna ka baryi mayno.. Warqaddana” Wasiir Xirsi

Berbera(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay inaanay jirin cid allaale cid ay Dekedda Berbera u dabo-fadhiyaan Xukuumadan ahaan, isla markaana waxa uu beeniyey Warqad Shabakadaha Wararka qaarkood faafiyeen shalay iyo xalay oo la sheegay in Wasiir Xirsi fasaxa wareejinta Maamulka Dekdda Berbera kaga dalbaday Wasiirka Dekedaha Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Madaxtooyada oo hadal ka jeediyey furitaanka qayb lagu kordhiyey Dekedda Berbera ee magaalada Berbera oo uu gelinkii dambe ee maanta furay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo Wefti uu hoggaaminayaa gelinkii dambe ee Axadda maanta socod uu kaga soo laabtay gobollada Bariga oo uu maalmihii u dambaysay marayey ku soo maray.

Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu ku dooday inaanay waxba ka jirin Warqaddaas qoraalka ah ee ay tahay foojari iyo been-abuur la sameeyey, wax wadahadal ah oo ay arrinta la xidhiidha heshiiska Xukuumadda Siilaanyo doonayso inay ku wareejiso Maamulka Dekedda Berbera oo ay dawladda Soomaaliya ka yeesheen-na jirin.

Warbixinta Warka Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.