Somaliland oo ka hadashay isku-dhac Ciidamo Puntland ah iyo Shacabka Buuhoodle dhex-maray farriinna dirtay

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa cambaaraysay, isla markaana si adag uga hadashay iska hor-imaad shalay ku dhex-maray Buuhoodle Ciidammo ka socda Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland iyo Shacabka magaaladaas oo hal qof ku dhaawacmay markii ay Shacabku is-hor-taageen 17-guurada Maamulka Puntland oo Masuuliyiin Garoowe ka yimi doonayeen inay Xaflad ugu sameeyaan Garoonka Kubadda Cagta Xabbado ee gudaha Buuhoodle.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye), ayaa sheegay inay Buuhoodle ka tirsan tahay gobollada iyo degmooyinka Somaliland, sidaa awgeedna aanay Puntland cagaha soo dhigi karin, isla markaana Calankooda iyo Ciidankooda toona lagu arki karin. Waxaanu intaas ku daray in Ciidammada qalabka sida ee Somaliland ku ruqaansadeen Buuhoodle iyo nawaaxigiisa.

Wasiir Xaglo-toosiye waxa uu hambalyo iyo bogaadin u diray Shacabka reer Buuhoodle oo uu sheegay inay geesinnimo iyo waddaniyad muujiyeen sida ay u muquuniyeen Ciidammada iyo Masuuliyiinta Puntland ka socday oo uu Calooshooda-u-shaqaystayaal ugu yeedhay, waxaanu sheegay khasaaraha halkaas ka dhashay inuu Masuul ka yahay Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland D.r Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo uu xusay inay si fiican isu yaqaannaan.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Saleebaan-Xaglo-toosiye oo u dhashay deegaanka Buuhoodle, isla markaana ah hoggaamiyihii hore ee Kooxdii SSC ee dagaalka hubaysan kula jirtay Somaliland sannadihii 2010, 2011 illaa 2012-ka horraantiisii, waxa uu sidaa ku sheegay mar uu Warbaahinta qaarkeed kula hadlayey magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo uu ka mid ahaa Weftiga Madaxweyne Siilaanyo hoggaaminayo oo magaaladaas ku sugnaa xalay illaa gelinkii hore ee Axadda maanta.

Haddaba, hadalka Wasiir Saleebaan-Xaglo-toosiye, waxa uu arrintaas ka yidhi, farriinta adag ee uu u diray Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Gaas, Xukuumadda, Bogaadinta uu Shacabka Buuhoodle u jeediyey iyo qodobbada uu halkaas kaga hadlay, waxaannu warbixinta warkiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.