Suldaan Xasan oo si adag ula hadlay Madaxwayne Siilaanyo & Guurtida, Xukuumaddana eedayn kulul u jeediyey

“Axmedoow ku soo noqo Waayeelnimo oo maanta Taariikhdaada ha xumayn, ma soconayso Mindi Mindi ku taag! ee Digreeto ku Ansixi oo Guurtida u dir…….. Xukuumaddu waxay bilawday Baabbi’inta Madax-dhaqameedka oo ay Xukuumadihii ka horreeyey…..” Suldaanka guud ee Beelaha Subeer-awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi

Hargeysa(Aftahannews):- Suldaanka guud ee Beelaha Subeer-Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa luuqad adag kula hadlay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Xukuumaddiisa oo uu ku dhalliilay qodobbo kala duwan oo ay ka mid yihiin mijo-xaabin iyo burburin ay Xukuumaddu ku hayso Madaxda dhaqanka sida uu ku eedeeyey Suldaanku. Waxaanu Madaxweynaha ugu baaqay hirgelinta heshiiskii Xisbiyada Mucaaradka ah ay la galeen.

suldaanka

Suldaan Xasan waxa uu ka hadlay Safarka Madaxweyne Siilaanyo ku marayo gobollada dalka qaar iyo Mashaariicda horumarineed ee Madaxweynaha iyo Wasiirradiisu furayaan, qaarkood kormeereen kuwana uu dhagax-dhigay Madaxweynuhu, kuwaasoo uu sheegay inay Xukuumaddu ku faanayso, laakiin dhaqaalaha ku baxay intiisa badani ka soo baxay jeebadaha dadweynaha oo ay xataa ku jiraan taborucaadka nusasaacaha ay Ciyaala-iskuulku iska jaraan.

Waxa uu Suldaan Xasan sheegay in Xukuumadihii hore ay tixgalin jireen Oday-dhaqameedyada, balse Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxwayne Siilaanyo ay baabbi’inayso meelkasta oo ay ummaddani ka dhaqaaqayso, isagoo Xukuumadihii hore ku ammaanay sida ay ula dhaqmi jireen Madax-dhaqameedka dalka.

Suldaanku waxaa kale oo uu dhalliilo culus u jeediyay Golaha Guurtida, isla markaana waxaa uu ku sifeeyay in ay masuul ka yihiin qalalaasaha Siyaasadeed ee dalka ka taagan. “Soomaalidu saddex qodob ayaanay taataaban oo birma gaydo ah Culimada,odayaasha dhaqanka Iyo Dumarka oo la lskugu soo noqdo markay dhibaato timaado,Arintan aan maanta halkan u fadhinaa waxay waafaqsan tahay faro galin farabadan oo xukuumada madaxwayne Siilaanyo ku hayso odayaasha dhaqanka.” ayuu Yidhi Suldaan Xasan.

Suldaanku waxaa uu sheegay in xukuumadihii hore la shaqeyn jireen madaxdhaqameedka “Xukuumadihii hore way soo dhaweyn jireen oo talo ayay ka waydiin jireen tu qaran iyo mid qabiilba,laakiin xukuumadan maanta ee Axmed Siilaanyo waxaad moodaa inay usoo tafaxaydatay Meel walba oo umadan ka dhaqaaqaysa ay baabiiso,”Ayuu Yidhi Suldaan Xasan

Suldaan Xasan Waxaa uu eedo usoo jeediyay Golayaasha Qaranka. “Golayaashii qaranka waxaa aad maanta arkaysaa in ay ka fayow yihiin sadex nin oo kaliya,inta kale waad arkaysaan waxaa haysta iyo siday farta iskaga taagayaan,waxaad arkaysaa warbaahintii oo cagajuglayn lagu hayo Iyo beeshan habar magaado ee aynu maanta halkan kaga hadlayno.” ayuu Yidhi Suldaan Xasan.

Suldaanku waxaa uu carabka ku dhuftay in xukuumadu salaadiintii baabiinayso “Waxaad arkaysaa in xukuumadani salaadiintii baabiinayso oo ay Tvyada ka hadla tidhaahdo oo ay taageero odhanayso,Suldaan waxba ma taageero ee wuu taliyaa.”ayuu Yidhi Suldaanku.

“Waad arkaysaan maanta Halka uu dalkeenu marayo ma jiro Haayad inoo fayoobi, waxaa la arkayaa guurtidii loogu talagalay in khilaafka ay xaliyaan in ay maanta khilaafka ugu wayn iyagu hurinayaan, waa dawlada bukootay,waad arkaysaan sida salaadiinta loo bahdilay. Laakiin, waxaa jira salaadiin ka fayow xanuunka ay dawladani qaybinayso.” Sidaa ayuu yidhi Suldaanka guud ee Beelaha Subeer-awal.

Suldaanka oo hadalkiisa sii wataa waxaa uu yidhi; “Khilaafka aanu sida fiinta uga sii qaylyaynay waakaa ilaa maanta taagan wax laga qabtayna ma jirto waxaanu ku talinaynaa maadaama aanay jirin cid dalka u maqani madaxwaynuhu isagaa masuuliyada lehe inuu doorashada qabto”Ayuu Yidhi Suldaan Xasan.

Suldaanku waxaa uu madaxwaynaha usoo jeediyay inuu fuliyo heshiisyada uu la galo axsaabta “Waxaanu ku talinaynaa heshiiskii Axsaabta iyo daneeyayashu kuwada saxeexdeen qasriga madaxtooyada in la dabaqaa.” ayuu yidhi Suldaan Xasan.

Suldaanku waxaa uu sheegay inaanay jirin duruufaha ay guurtidu ku kordhinayso, waxaanu yidhi;  “Maanta ma jiraan Duufaano ma jiraan abaaro oo ilaahay ha inaga hayo, kuwii ku ducaysanlahaa ma nihin ee kuwii ka ducaysan lahaa ayayni nahay, waar qodobadaas kusoo noqda, ninkii doonaya inuu dalku khilaafkaa iyo hadalkaa kusii jiraa nin habeen jiray maaha, ninkii doonaya inuu dalku hagaagsanaadowna heshiiskaas hala waafaqo,Waxaa loo baahanyahay in wixii dadka khilaafka ka ilaalinaya la raaco oo heshiiskaa dib loogu soo noqdo, Oo shacbiga laga daayo buuqa, oo laga daayo walbaahaarka Iyo Qaylada.”

Suldaan Xasan waxa uu farriin u diray Madaxwayne Siilaanyo, waxaanu yidhi; “Axmedoow kusoo noqo waayeelnimo oo maanta taariikhdaada ha xumayn, ma soconayso midi midi ku taag digreeto ku ansixi guurtida u dir,madaxwayne Kastaa isagaa guurtida waraabin jiray ma waraabinkarayo cidna kaa dhageysanmayso, kusoo noqo cahdigii qarankani kusocday oo wada tashiya kusoo noqo caqdigii qaranka oo isu tanaasul ah waa inaad ga’aan qaadasho yeelataa, Gacana waxaan ku haysanayaa heshiiskii axsaabta midna waxaan ku haysanaayaa mudo kordhintii guurtida labadaasi waa isku dab iyo dhagax ee kala dhawr.”

Suldaanka guud ee Beelaha Subeer-Awal Suldaan Xasan, waxa uu sheegay in waddooyinka iyo mashaaricda Madaxwaynuhu dhagax-dhigayo lagu samaynayo nususaacihii Carruurta Iskuullada dalka dhigata iyo dadweynaha kale iyo shaqaaluhu tabarucaadka u bixiyeen.

Waxa uu Suldaan Xasan, ku baaqay in Madaxweynuhu fuliyo Heshiiskii Xisbiyada Mucaaradka ah, Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda uu hoggaamiyo ee khilaafka muddo-kordhinta iyo dib-u-dhaca doorashada lagaga gaadhay gogoshii wadahadal ee uu Madaxweyne ahaan Xisbiyada Mucaaradka ah u fidiyey Bishii May ee sannadkan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargysa/Somaliland.