Daawo Waddooyin Dhismohoodu ka socdo Wajaale, Gabiley iyo Wasiirro Kormeer ku tagey

Wajaale(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland  Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay wehelinayaan Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Mudane Abiib Diiriye Nuur, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada, ayaa maanta kormeer ku tegey Waddada isku xidha Wajaale iyo Kala-baydh oo 12 KM la dhammaystiray, isla maantaba sida ka muuqata Sawirrada iyadoo ay hadhsan tahay 6 KM oo ka dhiman waddadan oo ah cabbir ahaan 18KM.

6KM ee hadhayna waxa ay Xukuumaddu ballan-qaaday in ay 2KM oo kale ku dari doonto, halka 1KM oo kalena ay qaadatay dawladda Hoose ee Gabiley, 1KM na uu qaatay Ganacsade Jaamac Omaar, 2KM ee soo hadhayna ay qaateen ganacsatada iyo maalqabeenada Degmada Wajaale oo kulan balaadhan oo lagu qaybsaday kharashka ay ku kacayso labadaa 2KM ku qabtay Bile Hotel oo ay ganacsatadu kaga dhawaaqeen qaadhaan ka qof walba uu ugu deeqay waddadaasi.

Sidoo kalena, waxa uu Wasiirka Madaxtooyadu xadhigga ka jaray waddada halbawlaha u ah degmada Wajaale oo laga hirgeliyey magaalada gudeheeda oo ay dhammaystireen Golaha deegaanka iyo Guddida horumarinta degmada.

Waddadaas oo ah mid qiimo weyn ugu fadhiday degmada marka loo eego dhibtii ka haysatay gaadiidka xamuulka sida iyo kuwa yar yar ee raaxadaba oo magaalada dhexdeeda ku gadoomi jiray ama ku dhici jiray iyaga oo raran ama aanay u gudbi Karin halka ay rabaan marka uu roobku da’o, taasoo dhib weyn ku ahayd ganacsiga degmada oo runtii ah Illaah ugu muhiimsan dalka marka laga hadlaayo dhaqdhaqaaqa ka jira degmada, taasoo ay sababtay Wajaale oo ah xuduudka labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia oo uu ka dhexeeyo xidhiidh soo jireen ah oo dhanka siyaasadda, ganacsiga iyo iskaashiga labada dawladood ah.

Waxa kale oo ay Weftiga Wasiirrada ah oo ay wehelinayaan Maayarka Gabiley iyo Guddoomiyaha gobolka Gabiley ay u soo kicitimeen dhinaca Gabiley iyaga oo isla markaana intaanay soo gaadhin Gabiley ay soo kormeereen ceelasha biyaha laga qoday ee la doonayo in degmada Wajaale ay noqoto degmo ay gaadhaan biyo xareed ah oo weliba saddex jeer ka macaan biyaha ay gobollada kale cabbaan, kuwaasoo laga qoday meesha la yidhaahdo Botorta, halkaasoo sida ka muuqata Sawirrada ay Ceelashu u shaqaynayaan sidii la rabay beebab kii iyo dhuumihii gayn lahaa Wajaalena ay hadda marayaan meel dhexe dhawaana ay gaadhi doonaan insha allaa degmada Wajaale, taasoo soo af-jari doonta baahidii biyo la’aaneed ee ka jirtay Wajaale, waxaana gacan wayn ka geysatay Xukuumadda uu hoggaaminaayo Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo.

 

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.