Kooxo Hubaysan oo qabsaday Idaacadda iyo TV-ga Dawladda Dr Congo

Kinshasa(Aftahannews):- Dowladda Jamhuuriyada Dimuqraadiga Congo ayaa sheegtay in Ciidammadeedu ay iska caabiyeen koox weerar kusoo qaadday xarunta Idaacadda TV-ga Qaranka ee waddankaasi.

131112111530_congo_soldiers_512x288_bbc_nocredit

Rasaas ayaa sidoo kale laga maqlay garoonka caalamiga ah iyo xero ay ciidamadu ku leeyihiin caasimada Kinshasa.

Mindiyo

Wasiirka warfaafinta Lambert Mende ayaa sheegay in xaaladu ay haatan caadi tahay. Waxaa uu intaa ku daray in 40 ka tirsan kooxdii weerarka soo qaaday la dilay, qaar kalena la qabtay. Sida ay Baahisay Idaacadda BBC-du, Mende ayaa sheegay in kooxda TV-ga weerartay ay ku hubaysnaayeen mindiyo, isla markaana aysan ahayn kuwo goobta sii haysan karay muddo dheer.

Rwanda

Sanadkii 1997, ciidamo taageero ka helayo dowladda Rwanda ayaa xukunka ka riday Madaxweynihii muddada dheer ka talinayay Congo ee Mobutu Sese Seko.

Waxay xilka u dhiibeen Laurent Kabila, oo dhalay ninka hadda talada dalkaasi hayo ee Joseph Kabila.

Hoggaamiye diimeed

Kooxda weerarka maanta fulisay ayaa la aaminsan yahay in ay taageeraan hoggaamiye diimeed lagu magacaabo Paul Joseph Mukungubila.

Paul ayaa u tartamay balse ku guuldareystay doorashadii madaxtinimo ee dalkaasi ka dhacday sanadkii 2006-da. Waxaa haatan hawada ku soo laabtay TV-ga qaranka ee RTNC TV.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.