Xildhibaannada Baarlamaanka cusub ee Puntland oo caawa lagu dhawaaqay

Garoowe(Aftahannews):- Liiska magacyada Xubnaha loo soo xulay Xildhibaannada Baarlamaanka Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayay caawa xarunta Baarlamaanka ee magaalada Garoowe kaga dhawaaqeen Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ansixinta doorashada ee Puntland.

Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta ee Maamulka Puntland oo illaa maanta ku shirsanaa xarunta Baarlamanka ee magaalada Garoowe, ayaa caawa shaaciyey liiska magacyada lix iyo lixdan 66 Xildhibaan ee noqonaya Mudanayaasha Baarlamaanka cusub ee Puntland, kuwaasoo lagu wado inay siddeedda bisha koowaad ee sannadka habeen-dambe curanaya ee 2014-ka doortaan Madaxweynaha shanta sano ee soo socda hoggaamin doona Puntland oo ay Musharrixiin toban xubnood ka badani u taagan yihiin.

Aftahannews kala soco Liiska Magacyada Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ee caawa lagu dhawaaqay iyo gobollada ay ka soo kala jeedaan.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.