Diyaaraddii u horreysay ee Soomaali ka soo qaaddo Sudan-ta Koonfureed oo Muqdisho soo gaadhay

Muqdisho(Aftahannews):- illaa boqol iyo soddon ruux oo Soomaali ah, ayaa maanta laga soo dejiyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, ka dib markii diyaarad ay dawladda Soomaaliya u dirtay ka soo daad-guraysay dalka Sudan-ta Koonfureed oo ay toddobaadyadii u dambeeyey ka socdeen dagaallo sokeeyo oo khasaare ballaadhan iyo barakac aan la koobi karin sababay.

131-ka ruux ee laga soo dejiyey magaalada Muqdisho, ayaa qayb ka ah hawlgal ay dawladda Soomaaliya sheegtay inay ugu gurmanayso, isla markaana kula soo baxayso Muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Sudan-ta Koonfureed ee ay dagaalladu ka socdaan.

Dadka Soomaalida ah ee la soo gaadhsiiyey magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay dareenkooda, waxaanay sheegeen inay aad iyo aad ugu faraxsan yihiin sida ay dawladda Soomaaliya ugu gurmatay, isla markaana uga soo badbaadisay qulqulatooyinka ka socda waddanka ay ku noolaayeen ee Sudan-ta Koonfureed.

Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalooyinka kala duwan ee dalka Sudan-ta Koonfureed ee ay ka midka yihiin magaalooyinka Juba iyo Bor, ayaa illaa afar ruux lagu dilay, halka Soomaali badan oo Ganacsiyo kala duwan ku lahaa magaalooyinkaas Hantidoodii la dhacay, iyagana la gedoomiyey.

Hawlgalka ay dawladda Soomaaliya diyaaradaha kaga soo gurayso Koonfurta Sudan, ayaa hadda bilaw ah, isla markaana waxay dadka laga soo qaaday dalkaas ay sheegeen inay illaa tobon kun oo qof oo Soomaali ahi waddankaas Sudan-ta Koonfureed ku nool yihiin, waxaanay dawladdu sheegtay inay duullimaadyo kale Soomaalida dalkaas ku dhaqan kaga soo guri doonaan intooda doonaysa inay ka soo baxaan waddankaas dagaalka sokeeye hadheeyey labadii toddobaad ee u dambeeyey.

Dadka ayaa loo soo kala hor-gurayaa sida ay u kala jilicsan yihiin, sida Dumarka, Carruurta iyo dadka waaweyne ee Waayeelka ah ee aan ku sii noolaan karin dalkaas, maaddaama oo aanay haysan wax hanti ah oo hantidoodii la dhacay, isla markaana cidhiidhi ay ku jirto naftoodu mar haddaanay heli karin Biyo nadiif ah iyo cunto ay quutaan toona.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.