Dawladda Soomaaliya oo jawaab ka bixisay Hajnbaad ka soo yeedhay Al-Shabaab

Muqdisho(Aftahannews):- Maamulka gobolka Banaadir ee dawladda Soomaaliya, ayaa war aan wax ka soo qaad lahayn ku tilmaamay hanjabaad maanta ka soo yeedhay Kooxda nabad-diidka ah ee Al-Shabaab, oo soo saaray baaq ay Shacabka Muqdisho ugu sheegayaan inay ka fogaadaan Xeryaha Ciidammada iyo goobaha kale ee dawladda oo ay tilmaameen inay ka fulinayaan weerarro culus.

AFHAYEENKA MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR MAXAMED C Y

Hase-yeeshee, Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cismaan Yuusuf, ayaa markii warka hanjabaadda ahi ka soo baxay maanta kooxda Al-Shabaab ka dib warbaahinta kula hadlay isla Muqdisho, isla markaana waxa uu sheegay inaanu warkaas hanjabaadda ahi wax saamayn ah oo taban ku lahayn dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Caasimadda Muqdisho.

Waxaanu Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir sheegay inaanay dawladda iyo dadweynaha Soomaaliya toona waxba u dhimi karin qof iyo koox qol hoostii ka soo hadlaa, waxaanu yidhi; “Dadweynahan waxba uma dhimi karo nin qol intuu isku soo xiray isagoo xabsanaya cod soo duubay ka dibna internetka soo geliyey, kaas isagaa dhibaato ku jira. Waa nin isaga uu cadaadis heysto oo ka baqaya in isaga la khaarajiyo markaa ayuu ciilkiisa ku furfurtay dadweynaha Muqdisho ee nabada heysta.”

Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta gobollada Koonfurta dalka Soomaaliya, isla markaana meelo kala duwan weerarro ismiidaamin ah ka fuliya, ayaa marar badan ku hanjaba inay qaadayaan tallaabooyin argagax leh oo ay ku sheegaan inay ku qaadayaan dalalka Soomaaliya Ciidammadu ka joogaan ee Afrika iyo weliba goobaha dawladda Soomaaliya iyo inta caawisa ee Soomaalida iyo Ajaanibka-ba isugu jira.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.