Mucaaradka oo Shir Muddeeyey & dawladda Somaliland oo Ciidammada Ammaanka Heegan gelisay

Hargeysa(Aftahannes):- Ciidammada Booliska Somaliland, ayaa heegan la geliyey Maanta si ay uga hor-tagaan Shir ay Is-bahaysiga Mucaaradka ee Xisbiyada WADDANI, UCID iyo Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashigu maanta shaaciyeen inay qaban doonaan 23-ka illaa 26-ka bishan July ee aynu ku jirno, kaasoo ay sheegeen inay kaga tashanayaan xaaladda siyaasadeed ee dalku waajahayo, maaddaama oo 27-ka bishani ku buuxdo waqtigii Madaxweyne Siilaanyo xilka wareejin lahaa haddii doorasho dhacdo.

CIIDANKA BOOLISKA SOMALILAND OO HEEGAN LA GELIYEY MARKII MUCAARADKU BAAQ SOO SAARAY

Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID, WADDANI iyo Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga, ayaa Shir Jaraa’id oo ay gelinkii hore ee Salaasadii Maanta ku qabteen magaalada Hargeysa, waxay ku sheegeen inay Shir Talo Qaran laga soo saari doono ay ku qabanayaan Hargeysa, kaasoo ay sheegeen inuu socon doono 23/26-ka bishan, ka dib markii sida ay ku doodeen Madaxweynuhu dhegaha ka furaystay Baaqyo badan oo ay hore ugu jeediyeen oo la xidhiidhay in dhinacyada Siyaasaddu talo Qaran ka yeeshaan dhammaadka xil-hayntiisa, maaddaama oo aan la isku raacsanayn muddo-kordhinta Guurtidu u samaystay.

Sidoo kale, waxay Xubnaha Mucaaradka u hadlay ku doodeen in Madaxweynaha, Xukuumaddiisa iyo Xisbiga talada haya ee KULMIYE-ba ka baxeen heshiis ay 27-kii May ku kala saxeexdeen Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa wadahadal Madaxweynuhu gogoshiisa dhigay oo laga yeeshay khilaafka ka taagnaa muddo-kordhinta Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo Golaha Wakiillada oo sannad iyo toban bilood dhan, heshiiskaas oo dhigayey in afar bilood laga soo horreysiiyo doorashada xilliga Guurtidu kordhisay, balse ay Guurtidu ku gacan-saydhay.

Sidaa awgeed, waxay Isbahaysiga Mucaaradku sheegeen inay iyaga iyo aqoonyahanka Somaliland danaynayaa talo Qaran ka yeelan doonaan xaaladahaa siyaasadeed ee Somaliland soo food-saaray, xalka iyo xallintana u baahan, maaddaama oo uu Madaxweynuhu u joojin waayey Baaqyadii ay hore ugu soo jeediyeen.

Hase-yeeshee, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha, ayaa Saxaafadda kula hadlay Taliska guud ee Booliska ee magaalada Hargeysa gelinkii dambe ee isla maanta, halkaasoo ay ku soo bandhigeen Ciidammo Boolis ah oo Heegan la geliyey.

Taliye Fadal ayaa sheegay in Ciidammada Booliska gobollada iyo degmooyinka kala duwan ee dalka oo dhan laga bilaabo Salaasadii Maanta heegan buuxa la geliyey, si ay uga hor-tagaan Shirka ay Isbahaysiga Mucaaradku ku baaqeen, kaasoo uu ku tilmaamay mid ka soo horjeeda nabadgelyada iyo degganaanshaha dalka iyo dadka Somaliland. Sidaa awgeed-na, ay Ciidammadu ku amran yihiin cid kasta oo dhaqdhaqaaqyada shirarkaas Mucaaradka ka qayb-qaadanaysa inay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan sida uu ku dooday.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

London/Britain.