Shaqaale Samo-fal oo lagu afduubay Soomaaliya

Taabto(Aftahannews):- Qaar ka tirsan Shaqaale la shaqaynayey Hay’ado samo-fal Soomaaliyeed oo ka hawlgalayey gobollada Soomaaliya, ayay Kooxo hubaysani ka afduubeen Axaddii shalay, kuwaasoo la sheegay in laga afduubay deegaanno lagu magacaabo Shabax, Taabto iyo Qooqaani oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose.

Shaqaalahan oo tiradoodu lagu sheegay Shan xubnood, ayaa la sheegay inay kasoo ambabaxeen  deegaanka Taabto, iyagoo kusii jeeda degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ayaa intaa ku daraya in shaqaalaha la afduubtay uu ku jiro Darawalkii Baabuurka u waday, waxaanay shaqaalahaasi u shaqeynayeen Hay’ado Samo-fal oo waddani ah oo lagu kala magacaabo Juba Foundation iyo Southern Aid sida ay wararku sheegeen.

Illaa hadda si rasmi ah looma oga loomana aqoonsan haybta Dablayda Shaqaalahaas afduubtay, sidoo kalena ma jirto cid weli sheegatay masuuliyadda qafaalashadaa shanta shaqaalaha ah oo la sheegay inay dhammaantood Soomaali yihiin.

Aftahannews.conm

Hargeysa/Somaliland.