Michael Schumacher oo dhaawac culusi soo gaadhay, xaaladdiisa caafimaadna laga dayriyey

Grenoble(Aftahannews):- Ninka ugu haystay horyaalka tartanka adduunka ee Baabuurta loo yaqaanno Formula 1 oo lagu magacaabo Michael Schumacher, ayay xaaladdiisa caafimaad halis ku sugan tahay, isla markaana koomo ku jira, ka dib markii uu shil ku galay waddanka Faransiiska oo uu socdaal ku marayay.

_71988172_71985813

_63589993_schuey1

Ninkan ugu haystay tartanka Gawaadhida lagu barato ee Formula 1 oo ah 44 sano jir u dhashay waddanka Germalka, ayaa ku jira Koomo, isla markaana xaaladdiisa caafimaad ay Dhakhaatiirtu kula tacaalayaan Cusbitaal ku yaalla magaalada lagu magacaabo Grenoble.

Michael Schumacher, ayaa toddoba jeer ku guulaystay tartanka Baabuurta Formula 1 ee caalamka oo lagu qabtay dalal kala duwan. Waxaanay Dhaatiirta gacanta ku hayaa ka dayrinayaan xaaladdiisa caafimaad oo ay ku tilmaameen mid aad u culus, balse ay ku dedaalayaan intay badbaadin karayaan inay xal u sameeyaan

Ninkan ayaa dhaawiciisa diyaarad lagaga soo qaaday goobta uu ku dhaawacmay ee uu Safarka ku marayey.

Afatannews.com

Hargeysa/Somaliland.