Xukuumadda Siilaanyo oo Shacabka u Caddaysay Dhagar Dastuuri ah oo ay Calanka Somaliland ka gashay & aragtida Siyaasasiga

Hargeysa(Aftahannews):- Masuul ka tirsan Xukuumadda talada Somaliland haysa ee Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, ayaa Shacabka hortiisa ka caddeeyey ka caddeeyey Gef, xad-gudub iyo Dhagar ay Xukuumaddu, gaar ahaan isagu ka galay Dastuurka Qaranka Somaliland oo 93%-kiiba Bulshada reer Somaliland haa ugu codeeyeen.

WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA SOMALILAND CALI MAXAMED WARAN-CADDE

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa Shaashadaha Warbaahinta la iska arko ka soo baxay oo laga daawaday mar uu shir Jaraa’id qabtay xarunta Wasaaraddaas ee magaalada Hargeysa 12-kii bishan aynu ku jirno ee July 2015-ka, isaga oo uu dhabarkiisa yaallo Maro wayn oo Calanka Somaliland lagu soo xardhay, isla markaana lagu soo dhex-qoray Taariikh ahayd 1960-kii, taasoo ay Siyaasiyiinta iyo dadweynuhuba si weyn wax isaga weydiinayeen tan iyo markii Shaashadaha laga daawaday Wasiirka oo hadlaya oo Calankaasina daba-yaallo.

Haddaba, Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), ayaa naqdiyey Calanka Jamhuuriyadda Somaliland oo isagoo Qoraal Taariikh ah lagu qoray lagu arkay goobtaas uu Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde Saxaafadda kula hadlayey 12-kii bishan aynu ku jirno, taasoo uu Boobe ku tilmaamay Xad-gudub iyo Dhagar Dastuuri ah oo Qaranka laga galay in Calankiisa wixii la doono lagu feegaro, isagoo xusay inay tallaabadani qorshe kale dabada ku wadato.

Boobe oo Salaasadii Maanta Saxaafadda kula hadlay Xarunta dhexe ee Xisbiga WADDANI ku leeyahay magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay inay Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo hoggaamiyaa Indhaha Shacabka keentay qorshe ay rabto in Dastuurka lagu beddelo, isla markaana taariikhda Calanka lagu marin-habaabinayo, sidaa daraaddeedna, Xukuumadda arrintaas fashay aanay waxba la ahayn inay gasho Heshiisyo ay Maamulka Hawada, Qarannimada iyo waxyaabo kale-ba ku wareejinayso.

boobe yuusuf ducaale

Waxa uu Boobe Yuusuf Ducaale, sheegay inaanu waxba ka jirin Baaq uu Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ujeediyey Xisbiyada Mucaaradka ah, kaasoo uu ku sheegay inay Mucaaradku joojiyaan shirarka ay ku baaqeen inay qabanayaan bishan dabayaaqadeeda, kuwaas beddelkoodana ka soo qaybgalaan Shir ay Xukuumaddu qabanayso, waxaanu ku dooday Boobe inaanu Waran-cadde ka mid ahayn dadka taladu ka go’do, sidaa awgeedna farriin uu soo qaadaa macno ay u samaynaysaa jirin Mucaarad ahaan.

Hadalka Boobe Yuusuf Ducaale uu arrimahan kaga hadlay, Su’aalaha Suxufiyiinta qaarkood weydiiyeen iyo jawaabaha uu ka bixiyey oo dhammaystiran waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Qaybta Raadyaha ama qaybta Codadka ee Aftahannews ee dhegaysi habboon. Waxaanad ka dhegaysan kartaan ama kala degi kartaan Liidka Madawga ah ee Qoraalkeennan ka hooseeya marka aad dhexdiisa kilig-garayso. Dhegayso oo ka bogo.

aftahaninc@gmail.com                      

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.