Daawo Munaasibad Gole-ka-fuul ah oo Somaliland ku xustay 55-guurada Calankii ugu horreeyey 26-June

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa, ayaa Jimcihii maanta lagu qabtay Munaasibad kooban oo lagu xusayey 55-guurada ka soo wareegtay markii Calan Soomaaliyi leedahay geyiga laga taago, kaasoo 26-kii June 1960-kii laga taagay Hargeysa, markii Dhulkii Somaliland la odhan jiray ee uu ka talinayey Gumaystihii Ingiriisku xorriyadda ka qaatay.

DSC_0196

Munaasibaddan oo aan ahayn mid la sii qorsheeyey, balse si gole-ka-fuul ah loo curiyey, ayey ka qaybgaleen Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo Ciidammo Madaxtooyada ku sugnaa salaan-sharaf ka qaatay, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno kooban iyo Xubno ka tirsan Hoggaanka Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE.

Xafladdaas Gole-ka-fuulka ahayd, waxaa hadal kooban ka jeediyey Madaxweyne Siilaanyo, Odayga Somaliland ugu da’da weyn Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe), Qaar ka tirsan Xubno sheegay inay goob-joog u ahaayeen markii Ingiriiska laga xoroobay ee Calanka laga taagay Hargeysa iyo Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, kuwaasoo ka sheekeeyey inta badan dhibaato ay sheegeen in laga dhaxlay Midnimadii Soomaaliya oo 1-dii Julay (Luulyo) xorriyadda ka qaadatay gumaystihii Talyaaniga, balse aan ka sheekaynin halgankii dheeraa ee lagu helay xornimada laga qaatay Boqortooyada Britain.

Warbixintan Warkan iyo Hadallada ay Masuuliyiinta Madasha ka hadlay ka jeediyeen waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho Wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.