Maraakiibta dagaalka ee dalalka Yurub oo badbaadiyey 14 Doonyood oo Tahriibayaal Saarnaayeen

Liibiya(Aftahannews):- Maraakiibta Dagaalka ee waddamada reer Yurub qaarkood, ayaa lagu amray inay u u gurmaddaan, isla markaanka badbaadiyaan Tahriibayaasha Afrikaanka iyo Carabta isugu jira eek u Safra Doonyaha tayadooda awoodeed liidato oo ay ku maraan Badaha u dhexeeya dalalka Liibiya iyo Talyaaniga, iyagoo doonaya inay gaadhaan Qaaradda Yurub.

TAHRIIBAYAAL LAGU QABTAY XEEBAHA LIIBIYA

Waxaanay Maraakiibtaas dalalka Yurub badbaadiyeen Tahriibayaal Kumannaan lagu sheegay tiradooda oo ku safrayey Xeebaha Liibiya illaa 14 Doonyood oo aan awooddoodu fiicnayn. Waxaa la qabtay saacado ka dib markii ay ka dhaqaaqeen Xeebaha Koofureed ee dalka Liibiya.

Doomo ay soo direen tobannaan dal oo Yurub ka mid ah ayaa lagu amray inay badbaadiyaan dad tahriibayaal ah saarnaa 14 Doonyood, kuwaasoo isku deyayey inay Yurub gaadhaan.

Sabtidii toddobaadkan ee shalay, Doon kuwa Shiraaca ka samaysan ee la Buufiyo ah oo sidday in kabadan 100 Ruux oo Tahriibayaal ah oo badankoodu ay dhalasho ahaan ka soo jeedeen sida la sheegay waddamada Sudan, Eritrea iyo Soomaaliya, ayaa lagu qabtay Xeebaha Tripoli ee dalka Libiya.

Shir ay Madaxda waddamada Yurub laba bilood ka hor ku yeesheen dalka Belguime, ayay ku gaadheen go’aan dhigaya in la badbaadiyo oo loo gurmado Tahriibayaasha Afrikaanka iyo Carabta ah ee Naftooda ku biimeeya Safarrada Badda ee ay ku beegsanayaan Qaaradda Yurub, ka dib markii dhimashadoodu aad u badatay sannadihii ugu dambeeyey.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.