Markab u Raran Shirkadda Ganacsiga ee AL-XARBI oo Siddeed Cisho ku Xanniban Dekedda Berbera

Berbera(Aftahannews):- Dekadda magaalada Berbera waxa muddo Sideed dharaarood ku siman ku Xanniban Markab lagu magacaabo M/v ABBAY oo Sida Shixnad isugu jirta (5000MT) oo Sibidh ah iyo (2500 foosto) oo Daamur ah oo u raran Shirkadda Waddaniga ah ee AL-XARBI.

MARKABKA Mv ABBAY AFTAHANN

Markabkaas oo la Sheegay inuu u Rarnaa Shirkada Ganacsiga ee ALHARBI, ayaa Wararka aannu ka helayno dad ku sugan Dekadda Berbera waxay sheegayaan in aan waxba laga Rogin muddadaas uu ku xidhnaa Dekadda ,isla markaana uu xaniban yahay Cashuur-dhaaf Wasaradsa Maaliyaddu u sameyso, sida aannu ka soo xigannay Mandheeranews.

Sidoo kale, Wararku waxay intaa raciyeen in Daamurka Saaran Markabkaasi ABBAY oo Dhan 2500 Foosto loo wadey Dhismaha Waddadda Ceerigaabo, halka Shixnadda kale ee Sibidhka ah ee Saaran Markabkaasi oo dhan 5000MT ay leedahay Shirkadda ALHARBI, taasoo la doonayo in la israaciyo Cashuur-dhaaf loo sameynayo Shixnaddaasi wada Saaran Markabkaasi oo Isugu jirta Sibidhka iyo Daamur.

Waxa iyaguna Haabada Dekadda Berbera taagan muddo labo Maalmood ah Labo Markab oo Sida Shixnado Sibidh ah oo uu kaalkii lagu Xidhi lahaa u kaga Xaniban yahay Markabkaasi Cashuur dhafka Sugaya ee u raran Shirkadaas ALHARBI.

Wararku waxay intaa ku dareen in labada Marbak ee habada Dekadda Berbera taagan ay leeyihiin labada Shirkadood ee TARAN iyo OMAAR kuwaas oo Sida SIbidh , Waxaana la sheegay in Marakiibtaa Sida Shixnada Sibidhka ah ee badda Tagan Cashuurtii Kastamka berbera ka Shubey.

Waxaaney Badda u taagan yihiin inta Markabkaa Sugaya Cashuur dhaafka laga Furayo Dekadda ama La rogayo Sibidhkaasi, Sidoo kale Shirkadda Alharbi ee Markabkaasi uraran yahay ayaa La sheegay Mar hore oo uu Markabkani ku Soo xidhay Dekadda isagoo Sida Shixnad isku Jirta Sibidh iyo Daamur inay Cashuur Dhaaf Wasaarada Maaliyadu u Wada Sameysay Sidaasina ay ku la baxeen

Haddaba, Dhacdadan Maanta ka taagan Dekadda Berbera ayaa noqotay mid Fajaciso ku noqotay Shaqalaha Dekadda iyo Ganacsatada wax kale Soo degta Dekadda , iyadoo noqotay mid ugub ku ah oo aan hore u dhicin Dekadda in markab sida Shixnad inta dekadda lagu Soo xidho , Dabadeedna Shixnada Saaran Cashuur dhaaf lala Sugo,Mudo Sideed Maalmood ah ,

Maamulka Dekadda Berbera oo aanu isku Deynay inaanu Wax ka weydiino Marakiibtan Sida Shixnadaha Sibidhka ee isku Dul Xaniban ayaaney noo Suura galin.

Xigasho Mandheeranews.com.