Jaamacadda Carabta oo ku baaqday in Gurmad deg-dega lala gaadho Qaxoontiga Yemen ee Soomaaliya ku sugan

Qaahira(Aftahannews):- Jaamacada Carabta ayaa dawladaha iyo Ururada Samafalka Carabta ugu baaqday inay kaalmo bani’aadamnimo oo deg-deg ah la gaadhaan Qoxoontiga u dhashay dalka Yemen ee ku sugan dalalka Soomaaliya iyo Jabuut iyo weliba Somaliland.

Xoghayaha Jaamacadda Carabta Nabiil Al-Carabi

Xoghayaha Jaamacadda Carabta Nabiil Al-Carabi, ayaa baaqaan diray ka dib kulan uu la qaatay Safiifka Soomaaliya u fadhiya magaalada Qaahira ee dalka Masar Cabdillaahi Xassan Jaamac Khamiistii, kulankaasoo ay kaga hadleen xaaladda Qaxoontiga Yemen ee Soomaaliya ku sugan.

Danjiraha Soomaaliya ee Masar iyo Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta, ayaa isla meel-dhigay muhiimadda ay leedahay in Gar-gaarkan la gaadhsiiyo Somaliland iyo Puntland oo ah deegaannada ugu badan ee ay ku sugan yihiin Qaxoontiga ugu badan ee ka cararay dagaallada ka socda waddanka Yemen, marka la eego Soomaaliya inteeda kale.

“Waxaan qaadaynaa Tallaabo aan uga Jawaabayno baahida Qoxoontiga Waddanka Yemen ee ku sugan Soomaaliya iyo Yemen, kulammadayada soo socdana waxaan xoogga ku saareynaa xaaladaha aadaminnimo ee Qaxooniga ku sugan Soomaaliya.” Sidaa ayuu yidhi Nabiil Al-Carabi.

Nabiil Al-Carabi, ayaa xusay in uu jiray baaq kaga yimid dawladda Jabuuti bishii May ee sannadkan, kaasoo Jabuuti ay kaga dalbatay Jaamacadda Carabta iyo Samafalayaasha caalamiga ah in gargaar Cunno iyo Dawo ah lala soo gaadho Qaxoontiga ku sugan dalkeeda ee dagaallada Yemen ka soo barakacay.

Magaalada Mudisho ee waddanka Soomaaliya, ayaa bilihii ugu dambeeyey soo gaadhay Qoxoonti kasoo Cararaya dalka Yemen, kuwaasoo ay ku jiraan dad Yemeniyiin ah, kuwaasoo qaar ka mid ah Qoxoontigaas Yemen ay ku sugan yihiin Muqdisho. Sidoo kale, magaalooyinka Boosaaso iyo Berbera ee Somaliland iyo Puntland, ayay tiradii ugu badnayd ee Qaxoontiga Yemen ka soo cararayaa soo gaadheen dhawrkii bilood ee u dambeeyey, kuwaasoo isugu jira Soomaali, Yemeniyiin iyo Itoobiyaan.

Baaqa Jaamacadda Carabta, ayaa imanaya iyadoo Yemen ay weli ka socdaan dagaallo aad u xooggan oo u dhexeeya Xuuthiyiinta Yemen iyo Ciidammada dawladda dalkaas, kuwaasoo ka socda magaalada Cadan oo ku taalla Koonfurta Yemen.

Dalka Sacuudiga iyo Xulufadiisa ayaa Weerarro Cirka ah ku qaaday dalka Yemen, ka dib markii kooxaha Xuuthiyiinta Shiicada ah ay meesha ka saareen dawladdii Madaxweyne Cabdulrabbi Haaddi oo hadda ku sugan isagoo baxsad ah Magaalada Riyadh ee xarunta waddanka Sucuudiga.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.