Kenya oo Maxkamad soo taagtay Dad ku eedaysan weerar lagu hoobtay oo Al-Shabaab Gaarisa ka fulisay

Nairobi(Aftahannews):- Dawladda Kenya, ayaa Maxkamad soo taagtay Shan qof oo ku eedaysan inay ku lug-lahaayeen weerar 148 Ruux oo Arday u badani ku dhinteen oo Kooxda Al-Shabaab bilawgii bishii April ee sannadkan ka geysteen Jaamacadda magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-Bari ee dalka Kenya.

kenya oo maxkamadaynaysa shantan ruux

Shantan Nin oo lasoo taagay Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ee Caasimadda waddanka Kenya, ayaa Afar ka mid la sheegay inay yihiin dad u dhashay Kenya, halka kan kalena uu yahay Tanzanian, waxaana lagu eedeeyay inay ku lug-lahaayeen weerarkii lagu dilay 148-ka qof ee u badnaa Ardayda. Waxaanay Afartan Nin kala yihiin magacyadoodu; Maxamed Cali Abikar, Xasan Edin Xasan, Sahal Diiriye Xuseen, Cismaan Cabdi Dagane iyo Rashid Charles Mberesero oo isagu u dhashay dalka Tansania..

Raggan, ayaa iska diiday dhammaan eedeymaha lagu soo oogay, waxaana Dacwad-oogaha Maxkamaddu uu Maxkamadda horteeda ka sheegay illaa 162 dembi oo argaggixisonnimo ah oo loo haysto Shantan ruux, iyagoo noqonaya shaqasiyaadkii ugu horreeyay ee weerarkii Jaamacadda Gaarisa loosoo taago Maxkamad.

Magacyada dadkii lagu dilay Weerarkaas oo u badnaa Arday, ayaa Maxkamadda laga hor-akhriyay, sida ay soo baahisay Wakaaladda Wararka AFP. Garsoorasha Maxkamadda Daniel Ogembo, ayaa sheegay in dadkan lagu sii haynayo Xabsiga illaa 11 bisha June ee sannadkan, xilligaasoo dib la isugu soo laaban doono dhageysiga Dacwadda shantan qof ee Kiisaska argaggixisannimo ku eedaysan.

Kooxda Al-shabaab, ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, iyadoo kooxdaasi sheegtay inay kaga aar-goosanayso dhibaatada ay Ciidammada dawladda Kenya ee ku sugan gudaha waddanka Soomaaliya ee ka tirsan kuwa Midawga Afrika ee AMISOM ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Weerarkaas Jaamacadda Gaarisa ay Al-Shabaab ku qaadday horraantii April 2015-ka, ayaa noqday kii ugu dhimashada badnaa ee Al-Shabaab ka geysato gudaha dalka Kenya, iyagoo weerarro badan oo kale oo khasaare badan dhaliyey ka fulinayey Kenya saddexdii sannadood ee u dambeeyey.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.