Wasiirro Xukuumadda ka tirsan oo kormeer ku tegay Bananka Qool-caday iyo Gumburaha

Qool-caday(Aftahannews):- Wasiirrada Wasaaradaha Deegaanka iyo Xanaanada Xoolaha Somaliland, ayaa kormeer ku soo maray Deegaannada Bananka Qool-caday iyo Gumburaha oo ka kala tirsan degmooyinka Sallaxlay iyo Balli-gubadle ee gobollada Hawd iyo Maroodi-jeex, kuwaasoo wakhtigan Barwaaqo ah oo ALLAAH Raxmaadkiisa Gu’ga ku shubay.

Waxay Wasiirk Deegaanka iyo horumarinta Reer Miyiga Somaliland Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare sheegtay in la furi doono deegaannadaas Bananka ah Beeraha ka samaysan ee Seerayaasha ah si ay xooluhu si siman ugu daaqaan, iyadoo sheegtay inay dadka intooda badani diyaar u yihiin in la baabbi’iyo Seerayaasha, marka laga reebo in yar oo aan wanaaggu deeqin mooyaane.

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Cumar Sheekh Maxamed, ayaa isaguna halkaa ka sheegay inuu deegaannada Banka Qool-caday iyo Gumburaha oo si xoog ah loo yaallo ama loo deggan yahay uu u diri doono Dhakhaatiir ka hawlgeli doonta caafimaadka Xoolaha, isagoo ka jawaabayay Codsi uga yimi dadka deegaannadaas ku dhaqan ee Xoolo-dhaqatada ah.

Warbixinta Warkan oo dhammaystiran waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho Wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.