Maraykanka oo Sharciga u kordhiyey Soomaalida Sharci La’aanta ku Jooga dalkiisa

Washington(Aftahannews):- Wasaaradda Amniga Qaranka Maraykanka, ayaa ku dhawaaqday in dadka u dhshay Somalia ee sharci la’aanta amma sida ku meelgaarka ah u jooga Maraykanka loo oggolaanayo in sharci ku meel gaar ah loo kordhiyo muddo 18 bilood ah.

DAWLADA MARAYKANKA OO SHARCIGA U KORDHINAYSA SOOMAALIDA DALKEEDA KU-MEEL-GAADHKA KU JOOGA AFTAHAN1

Arrinta ayaa saamayn ku yeelanaysa dadka Soomaalida ah ee aan haysn sharciga dalkan Maryaknka. Xoghayaha aminga qaranka ee Marykanka Jeh Johnson, ayaa War-Saxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku shaaciyay in dawladda Maraykanku ay oggolaatay in muddo 18 bilood ah loo kordhiyo sharciga ku-meel- gaadh ah ee loo yaqaan TPS dadka haysta dhalashada Soomaaliga ee ku sugan gudaha waddanka Maraykanka.

Sharci-yaqaan Cabdinaasir Maxamed Cabdillaahi oo ka hawlgala gobolka Minnesota, ay ugu warramay sharcigan iyo ahmiyadda uu leeyahay. Helista sharcigan ayaa u baahan in la soo buuxiyo codsiyo gaar ah oo loogu talagalay sida uu faahfaahinayo sharci-yaqaan Cabdinaasir Maxamed Cabdullaahi. Tallaabadan ayaa rejo badan gelinaysa dadka sida ku-meel-gaadhka ah u joogay Maraykanka.

Dawladda Maraykanka ayaa go’aankan ku salaysa xaalaadda ka taagan Soomaaliya oo aan immika saamaxaynin in Hay’adaha socdaalka ee Maraykanku ay dadka bilaa Sharciga ah ku celiyaan waddankoodii ay u dhasheeen.

Xigasho BBCSomali.com

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.