Daawo Waraysi Xogo badan iftiimiyey oo Marwada Madaxweyne Siilaanyo lala yeeshay & Su’aalo Xasaasi ah oo la weydiiyey

Hargeysa(Aftahannews):- Mawrada Koowaad ee Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina-Waris Sheekh Maxamed Jirde, ayaa Waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya kaga hadashay arrimo kala duwan oo door ah oo ay ka mid yihiin guulihii doorashooyinkii hore uu Madaxweyne Siilaanyo gaadhay Mucaaradnimadiisii iyo tii uu Madaxweynaha ku noqday, Halgankii SNM, Taariikh-nololeedkeeda, heerkeeda aqooneed, higsigeeda siyaasadeed iyo doorka ay wakhtigan ku leedahay talada dalka Somaliland.

Aamina-Waris waxay sidaas ku sheegtay Waraysi ay la yeelatay Weriye Nimco Samriye oo ka tirsan Telefeshinka Horn Cable, waxaanay kaga hadashay waraysigaas qodobbo kala duwan oo door ah oo qaarkood Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah Xukuumadda ay si gaar ah Marwada Madaxweynaha ugu dhalliilaan iyo waxyaabo kale oo nolosheeda ku xeeran.

Waraysigaas oo dhammaystiran, Su’aalaha lagu weydiiyey iyo jawaabaha ay ka bixisay Aamina-waris waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo Wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.